Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Xafladda Furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa waxaa Ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka ,Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Xildhibaanada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ,Xafiiska Qaramada Midoobay iyo Ururada Bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Ka hadlay waxyaaabihii u qabsoomay golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed isagoo sheegay in waxyaabaha kalfadhigan horyaala ay Ka mid yihiin dejinta iyo diyaarinya habraaca doorashada Madaxtinimo ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed oo dhowr bil Ka dib dhici doona.

Qaar Ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo xaflada Ka hadlay ayaa  u Mahad celiyay howlaha ay dadka iyo deegaanada koonfur gaalbeed u qabteen golaha wakiilada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay golaha mudadii uu shaqeynayay uu wax badan qabtay isagoo sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono cabashada ay soo gudbiyeen Shacabka ku safra wadooyinka isku xira Magaaladda Muqdisho iyo Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa aad u amaanay iskaashiga iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka  dhaxeysa Shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, wuxuna sidoo kale u mahad celiyay golaha wakiilada koonfur galbeed howlaha ay haayaaa

Guddoomiyaha golaha Shacabka waxaa uu sheegay in qorshaha uu yahay in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee Ka dhaxeeya golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedyada, isagoo tilmaanay in Maadaamaa Dalka uu qaatay nidaamka federaalka loo baahanyahay in maamulka loo de dejiyo min degmo ilaa tuulo si maamulka hanaanka dowlad wanaaga uu u gaaro dadka deegaanada  ku nool.

Previous Post

Tababar loo qabtay qeybaha bulshada ee Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan dhiiri gelin ah la qaatay Saraakiisha dhalinyarada ah ee Booliska “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan dhiiri gelin ah la qaatay Saraakiisha dhalinyarada ah ee Booliska “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan dhiiri gelin ah la qaatay Saraakiisha dhalinyarada ah ee Booliska “SAWIRRO”

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In