Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar loo qabtay qeybaha bulshada ee Beladweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Tababar loo qabtay qeybaha bulshada ee Beladweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar ku saabsanaa Maareeynta mashaariicda, qorsheynta Istaraatiijiyadda, codsiga maalgelinta, Kormeerka, qiimeynta iyo Maamulka lacagta ayaa maanta ka furmay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

munaasabaddii furitaanka tababarka oo ay ka qeyb galeen aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada rayidka ee Beladweyne ayaa ahaa mid loogu talagalay in sare loogu qaado aqoontooda xagga doorashada, kaasi oo socon doono muddo labo cisho ah.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Cabdifataax Yuusuf Maxamed Madaxa Barnaamiyka ee Hay’adda Machadka Doorashooyinka ee hana qaadka demoqraadiyadda Afrika ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (EISA) ayaa sheegay in tabarkan ay ugu talagaleen inay ka faa’iideystaan bulshada Degmada Beladweyne, isagoo xusay inay qorsheynayaan sidii magaalooyin horleh ay ugu qaban lahaayeen tababaro nuucaani oo kale ah.

“Waxan ka soo shaqeynay dalal badan oo Afrika ah kuwaasi oo ka socotay doorashooyin, haddda waxaa noo qorsheysan inaan ka hirgelinayo magaalooyin badan” ayuu yiri Cabdifataax.

Guddoomiyaha Degmada Beladweyne Macalin Cismaan Cabdi Qadaafow oo ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in tani ay horseedeyso in bulshada meel hoose laga soo dhiso, lagana gudmo nidaamka magacaabista.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin oo furay tababarka ayaa sheegay in bulshada ay baahi weyn u qabto inay is doorato, waxaana uu ka qeyb galayaasha ka codsaday inay ka faa’iideystaan tababarka.

“Waxaan idinkugu baaqayaa inay aad ka faa’iideysataan tababarka oo aad noqotaan kuwii beri magaalada u  horseedi lahaa in laga qabto doorasho meel hoose laga soo bilaabo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Hay’adda Machadka Doorashooyinka ee hana qaadka demoqraadiyadda Afrika ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (EISA) ayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Gaalkacyo ku qabtay tababaro nuucaani oo kale ah.

Previous Post

Warbaahinnada Dowladaha Soomaaliya Iyo Djibouti oo Iskaashi Yeelanaya “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed+Sawirro

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In