Wafdi ka socda guddiga taakuleynta iyo wacyigalinta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo ka koobnaa Saddax xubnood oo kala ah Duuliye Sare; Asli Xasan Cabaade, Wariye; Muno Shukri Gaala Eri iyo Cabdulaahi Cali baar Xoosh ayaa gaaray Maagaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Africa.
Duuliye; Asli Xasan Cabaade oo la hadashay warbaahinta qarranka ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed masuuliyad weyn ay ka saaran tahay Taakuleynta Ciidankooda qaranka,wacyigalinta dadweynaha ay u yimaadeen dalkaan Koonfur Africa.
Wariye Muno Shukri Gaal Eri oo ka mid ah aheyd wariyayaashii hore ee soo maray telefishinka qaranka Soomaaliyeed hadana ka mid ah guddiga taakuleynta iy wacyigalinta ciidanka Qaranka oo dhankeeda warbaahinta la hadashay ayaa xustay in imaantinkooda dalkaan uu yahay baraarujinta bulshada si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo ay u dhameystiran yahay qalabkiisa.
Wafdigaan ayaa malmaha uu joogo magaalada Johannesburg ee dalkaan Koonfu Africa waxaa uu la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada ayaga oo sido kale kulan guud la qaadan doona jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaan sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdilaahi Calibaar Xoosh oo guddiga ka tirsan.
Si kastaba ha ahaatee dalkaan Koonfur Africa ayaa waxaa ku nool Soomaalida badan oo ganacsto ah kuwaa oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib u dhiska dalka Maanta looga fadhiyo in ay qeyb ka noqdaan taakuleynta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Abdullahi Maxaamuud Amiin “Qorshe”
Johannesbburg-Koonfur Africa.