Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin: Isbedelka ku dhacay qaar kamid ah goobihii Taariikhiga ahaa ee Xamarweyne+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 21, 2018
in Wararka
0
Warbixin: Isbedelka ku dhacay qaar kamid ah goobihii Taariikhiga ahaa ee Xamarweyne+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Suuqa degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay suuqyada ugu caansan ee ku yaala magaalada muqdisho,waxaana degmada  Xamarweyne ku yaala goobo Taariikhi ah oo qeyb weyn ka qaadan jiray xilliyadii hore  horumarka  caasimada,sida suuqa weyn oo lagu iibin jiray dahabka noocyadiisa kala duwan waxaana looga kala  soo iib tagi jiray dalalka dariska la ah Soomaaliaya.

Wuxuuna ka mid ahaa suuqaasi  oo loo yaqaano Dahablaha suuqyada lagu iibiyo Dahabka noocyadiisa kala duwan ee dalka oo can uu ku ahaa,balse mudadii dalka uu burbursanaa waxaa uu ahaa mid aan shaqeynin kadib saameyntii ka dhalatay colaadahaasi,waana suuq ahmiyad u lahaa ka qeyb qaadashada kobaca dhaqaale ee dalka.

Related posts

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025

Suuqii Dahablaha ayaa haatan wuxuu u shaqeeyaa qaabab kale oo ah in ay kuyaalaan dukaamo kala duwan oo lagu iibiyo Dharka iyo noocyo kale oo adeegyo ganacsi,waxaana dib loo howlgeliyay sanadihii ugu dambeeyey,maadaama uu ahaa suuq ahmiyadiisa leh.

Dhismahan  waxaa  loo yaqaanaa sar Gaduuda,waxa uu ku yaalaa  suuqa degmada Xamarweyne,hadda waxaa ka socdo dib u dhis uu ku sameyno maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka,waxa sidoo kale jiray xarumo kale oo dowli ahaa oo taariikhi ahaa,kuwaasi oo haatan la qorsheynayo in dib u dhis lagu sameeyo si loo soo celiyo bilicdii caasimadda,si ay dib ugu soo laabato bilicdii ay caasimaddu lahaan jirtay.

Goobaha kale ee caanka ahaa oo degmada kuyaalay waxaa kamid ahaa Barxadda loo yaqaano Yaasiin,halkaasi oo ahaan jirtay Boosteejo laga raro gaadiidka dadweynaha oo ka kala shaqeyn jiray degmooyinka Muqdisho,balse haatan arrinku waa mid ka duwan sidii hore,waxaana halkaasi kuyaala suuq ballaaran oo lagu iibiyo nuucyada kala duwan ee Qudaarta,bagaashka iyo alaabo kale.

Waxaa halkaasi ku arkaysaa dukaamo yer yer oo isku dhow dhow,sidoo kale dad kale oo ka xamaasha alaabta la saaro gaari gacanada ayaa hor fadhiya,taasina waxaa ay mararka qaar keentaay ciriiri farabadan oo sababki karta in loo gurman wayo hadii musiibo ay dhacdo.

Qaar ka mid ah ganacsatadii ka ganacsan jiray  suuqii hore  dahablaha  oo uu ka  muuqdo  bur bur aad u  baahsan ayaa ka codsanaya maamulka gobolka Banaadir in uu ka shaqeeyo  sidii  goobahaasi  iyo goobo kale oo ka mid ahaa goobihii  wax ku oolka ahaa ee xiliyadii hore dib loogu soo celiyo  sidii ay ahaan jireen.

Caaqil Maxamed Bin Cali uun-sane  oo ka mid ah odayaashii waaya jooga haa  taariikh ahaan  suuqii hore ee Dahablaha Soomaaliya iyo Barxadda Yaasiin dhismaha sar Gaduudda loo yaqaano ayaa ka sheekeynaya wax ay ahaayeen goobahaasi iyo  wax yaabaha  lagu rajo weynyahay in wax laga bedelo.

“Waxaa halkan ay aheyd xilligii hore  Barxad laga raro gaadiidka dadweynaha,waxaana loo aqoonjiray Barxadda Yaasiin ,goobtaana waxey ahey  suuqa ugu weyn ee  lagu iibiyo Dahabka marka waxaan ka  codsaneynaa  Dowlada Soomaliya in ay soo celiso  goobahii  hore ee adeegyada bulshada lagu hormarin jiray”. Ayuu yiri Caaqli Maxamed.

Caaqil Maxamed bin Cali uunsane  oo ka mid ah odayaashii oo u soo joogay Taariikh ahaan ayaa sidoo kale ka  codsaday Dowladda Soomaaliya ,maamulka  Gobolka Banaadir iyo kan degmada  Xamarweyne in ay  ka shaqeeyaan sidii loogu soo celin lahaa  gobahaasi  sidoodii hore si ay u hagaagto  bilicda  caasimadda  Muqdisho.

Previous Post

U qaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada goballada Shabeelaha-Hoose iyo Benaadir oo Maanta Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday.

Next Post

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laamiyada Muqdisho ka aruuriyey Carruur aan daryeel haysan.+Sawirro

Next Post
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laamiyada Muqdisho ka aruuriyey Carruur aan daryeel haysan.+Sawirro

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laamiyada Muqdisho ka aruuriyey Carruur aan daryeel haysan.+Sawirro

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta...

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In