Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin: Isbedelka ku dhacay qaar kamid ah goobihii Taariikhiga ahaa ee Xamarweyne+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Warbixin: Isbedelka ku dhacay qaar kamid ah goobihii Taariikhiga ahaa ee Xamarweyne+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Suuqa degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay suuqyada ugu caansan ee ku yaala magaalada muqdisho,waxaana degmada  Xamarweyne ku yaala goobo Taariikhi ah oo qeyb weyn ka qaadan jiray xilliyadii hore  horumarka  caasimada,sida suuqa weyn oo lagu iibin jiray dahabka noocyadiisa kala duwan waxaana looga kala  soo iib tagi jiray dalalka dariska la ah Soomaaliaya.

Wuxuuna ka mid ahaa suuqaasi  oo loo yaqaano Dahablaha suuqyada lagu iibiyo Dahabka noocyadiisa kala duwan ee dalka oo can uu ku ahaa,balse mudadii dalka uu burbursanaa waxaa uu ahaa mid aan shaqeynin kadib saameyntii ka dhalatay colaadahaasi,waana suuq ahmiyad u lahaa ka qeyb qaadashada kobaca dhaqaale ee dalka.

Related posts

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026

Suuqii Dahablaha ayaa haatan wuxuu u shaqeeyaa qaabab kale oo ah in ay kuyaalaan dukaamo kala duwan oo lagu iibiyo Dharka iyo noocyo kale oo adeegyo ganacsi,waxaana dib loo howlgeliyay sanadihii ugu dambeeyey,maadaama uu ahaa suuq ahmiyadiisa leh.

Dhismahan  waxaa  loo yaqaanaa sar Gaduuda,waxa uu ku yaalaa  suuqa degmada Xamarweyne,hadda waxaa ka socdo dib u dhis uu ku sameyno maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka,waxa sidoo kale jiray xarumo kale oo dowli ahaa oo taariikhi ahaa,kuwaasi oo haatan la qorsheynayo in dib u dhis lagu sameeyo si loo soo celiyo bilicdii caasimadda,si ay dib ugu soo laabato bilicdii ay caasimaddu lahaan jirtay.

Goobaha kale ee caanka ahaa oo degmada kuyaalay waxaa kamid ahaa Barxadda loo yaqaano Yaasiin,halkaasi oo ahaan jirtay Boosteejo laga raro gaadiidka dadweynaha oo ka kala shaqeyn jiray degmooyinka Muqdisho,balse haatan arrinku waa mid ka duwan sidii hore,waxaana halkaasi kuyaala suuq ballaaran oo lagu iibiyo nuucyada kala duwan ee Qudaarta,bagaashka iyo alaabo kale.

Waxaa halkaasi ku arkaysaa dukaamo yer yer oo isku dhow dhow,sidoo kale dad kale oo ka xamaasha alaabta la saaro gaari gacanada ayaa hor fadhiya,taasina waxaa ay mararka qaar keentaay ciriiri farabadan oo sababki karta in loo gurman wayo hadii musiibo ay dhacdo.

Qaar ka mid ah ganacsatadii ka ganacsan jiray  suuqii hore  dahablaha  oo uu ka  muuqdo  bur bur aad u  baahsan ayaa ka codsanaya maamulka gobolka Banaadir in uu ka shaqeeyo  sidii  goobahaasi  iyo goobo kale oo ka mid ahaa goobihii  wax ku oolka ahaa ee xiliyadii hore dib loogu soo celiyo  sidii ay ahaan jireen.

Caaqil Maxamed Bin Cali uun-sane  oo ka mid ah odayaashii waaya jooga haa  taariikh ahaan  suuqii hore ee Dahablaha Soomaaliya iyo Barxadda Yaasiin dhismaha sar Gaduudda loo yaqaano ayaa ka sheekeynaya wax ay ahaayeen goobahaasi iyo  wax yaabaha  lagu rajo weynyahay in wax laga bedelo.

“Waxaa halkan ay aheyd xilligii hore  Barxad laga raro gaadiidka dadweynaha,waxaana loo aqoonjiray Barxadda Yaasiin ,goobtaana waxey ahey  suuqa ugu weyn ee  lagu iibiyo Dahabka marka waxaan ka  codsaneynaa  Dowlada Soomaliya in ay soo celiso  goobahii  hore ee adeegyada bulshada lagu hormarin jiray”. Ayuu yiri Caaqli Maxamed.

Caaqil Maxamed bin Cali uunsane  oo ka mid ah odayaashii oo u soo joogay Taariikh ahaan ayaa sidoo kale ka  codsaday Dowladda Soomaaliya ,maamulka  Gobolka Banaadir iyo kan degmada  Xamarweyne in ay  ka shaqeeyaan sidii loogu soo celin lahaa  gobahaasi  sidoodii hore si ay u hagaagto  bilicda  caasimadda  Muqdisho.

Previous Post

U qaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada goballada Shabeelaha-Hoose iyo Benaadir oo Maanta Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday.

Next Post

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laamiyada Muqdisho ka aruuriyey Carruur aan daryeel haysan.+Sawirro

Next Post
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laamiyada Muqdisho ka aruuriyey Carruur aan daryeel haysan.+Sawirro

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laamiyada Muqdisho ka aruuriyey Carruur aan daryeel haysan.+Sawirro

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In