Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Lagu Xusayay Faarax Sendiko oo ka dhacay Toronto

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Lagu Xusayay Faarax Sendiko oo ka dhacay Toronto
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shalay Magalada Toronto waxaa lagu soo gaba gabeeyay Tartan Sport-oo lagu xusayay halyeygii kubada cagta soomaaliya Faarax Weheliye Cadoow Sendiko Magac iyo Maamus ku lahaa kubada cagta qarada afrika iyo aduunkaba waxaana xaflada lagu soo gaba gabeynayay tartanka ka soo qayb galay xidigo hore oo xulka qaranka iyo kooxihii bari samadkii dalka soo maray.

Related posts

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026

Maxamed Ismaciil xidigii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Horseed ayaa ka mid ahaa dadka soo abaabulay tartanka waxaana xidigaha ka soo qayb galay ka mid ahaa Muqtaar Cuti Khaliif Riiko iyo kuwa oo halkaan aanan ku soo koobi Karin balse xaflada ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo abaabulay waxaana kama danbeysta tartanka isla soo gaaray laba kooxod oo ku kala ciyaarayay Banaadir iyo Hilaac waxaana ugu danbeyntii koobkii quruxda badnaa ku guuleysatay Kooxda Hilaac oo kabtankoodii uu gudoonsiiyay qaban qaabiyaha xaflada Maxamed Ismaciil Cali

Marxuum Sindiko wuxuu muddo aad u dheer ahaa guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Somalia. Wuxuu kaloo ahaa ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa, ee marka magaciisa lasoo gaabiyo CAF loo yaqaanno.

Faarax Weheliye Caddow Sindiko oo muddo aad u dheer kusoo dhex jiray Sports-ka
Faarax Sindiko ayaa sidoo kale ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Dunida ee FIFA.

Faarax Weheliye Cadoow Sendiko waxaa uu soo maaray heerar kale duwan Ciyaarista kubada cagta ilaa iyo heerka labaad ee seria B ayuu soo ciyaaray balse waxaa uu ugu baxay dhaawac Jilibka ah dabadeedna waxaa uu u weecday dhanka garsoorka sanadkii 1963 ayadoo heerka kowaad uu u dalacay sanadkii 1967,

Faarax Weheliye Cadoow Sendiko waxaa uu u soo dilacay garsoorka heerka Caalami ee FifA isla sanadkii xigay ayadoo sidoo kale dabadeedna uu noqday gudoomiye xigeenka xirirka kubada cagta Soomaaliya

1978 waxaa loo doortay gudoomiyaha Xirirka Kubada Cagta Soomaaliya ayadoo sidoo kale uu noqday gudoomiye xigeenka gudiga Olombikada Soomaaliya halka sanadkii 1978 uu xubin ka noqday Gudiga xirirka kubada cagta qarada afrika ee Caf ayadoo sidoo uu u sii dalacay gudoomiye xigeenka xirirka kubada cagta qarada afrika waxaana uu ahaa shaqsiyaadka ugu awooda badan qarada afrika ee dhanka kubada cagta waxaana uu ka qabtay xilal fara badan oo halkaan aanan lagu soo koobi Karin ayadoo ilaa fifa uu ka soo qabtay xilal calaami ah

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ku dhawaaqdey dib u howlgelinta  dhismaha hey’adda  Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Next Post

Wasiirka waxbarashada Maamul Goboleedka K/Galbeed oo xariga ka jaray xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay Xudur

Next Post
Wasiirka waxbarashada Maamul Goboleedka K/Galbeed oo xariga ka jaray xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay Xudur

Wasiirka waxbarashada Maamul Goboleedka K/Galbeed oo xariga ka jaray xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay Xudur

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa saraakiil ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida ku wareejiyay laba nin oo ku...

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10...

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In