Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xooga Dalka oo Khasaare kala duwan ku gaarsiiyay Maleeshiyada Shabaab howlgalo ay ka sameyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Xooga Dalka oo Khasaare kala duwan ku gaarsiiyay Maleeshiyada Shabaab howlgalo ay ka sameyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamadda Xoogga dalka ayaa Howlgalo lagu baacsanayo Al Shabaab waxay ka wadaan deegaano hoos yimaada degmada Jamaame ee Gobalka Jubbada hoose.

Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka Danab ee deegaanada Jubbaland ayaa faahfaahin ka siiyay Warbaahinta Qaranka Howlgalada ka socda inta u dhaxeysa Baarsanguuni iyo Araare.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

“Halkan waxaa la yiraahdaa Tuulada Muuse Xaaji oo ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay sifeyn ka bilaabeen nimankii cadowga ahaa ee weeraray Baarsanguuni halaag iyo jab ayaa kasoo gaaray, ciidamada waxay sifeynayaan inta u dhaxeysa Baarsanguuni iyo Araare dhaawac iyo dhimasho badan oo cadwoga ah halkan waa laga aruuriyay qalab badan oo ay ka carareen waa laga hayaa”.ayuu yiri Taliye Ciraaqi.

Sidoo kale Taliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray Fariin ah inay Al shabaab ula dagaalamaan sida Kansarka oo kale, isla markaana Macluumaad ku saabsan meelaha ay ku dhuumaleysanayaan la wadaagaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa Jubbaland si guud ahaan loo Ciribtiro Argagaxisada.

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa gaaray goobaha ay ciidamada ka sifeeyeen cadowga, isagoona ku dhiiri galiyay guulaha ay usoo hoyeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kulamo la qaatay Saraakiisha hoggaamineysa Howlgalada.

Howlgaladan ayaa qeyb ka ah kuwa lagu doonayo in looga xureeyo deegaanada Jubbaland Maleeshiyada Al shabaab oo dadka rayidka ah ku dhibaateeya meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

Duqeyn Al-Shabaab Lagu Laayayey Oo Laga Fuliyey Duleedka Qalimoow Shabeelada Dhexe

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo abuuray Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo abuuray Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo abuuray Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In