Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF  Soomaaliya  oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha  Dalka  Qatar u jooga  Soomaaliya.+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda DF  Soomaaliya  oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha  Dalka  Qatar u jooga  Soomaaliya.+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Xafiiskiisa kulan qaabibaad kula yeeshay  Safiirka dawlada Qadar u Jooga  Soomaaliya  Danjire Xasan bin Xamsa Asad Haashim,

Safiirka Qatar ayaa uga horeyn Salaan u gudbiyay  Wasiir A.Dibadda uu ka siday Madaxda Dawlada Qadar halka  sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu salaan u diray dhigiisa dawladda Qadar Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Aala taani, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Kulanka ayaa looga wada hadlay  xiriirka walaaltinimo  ee labada  Soomaaliya iyo dawlada Qadar, Qaabka iyo hanaanka diblimaasiyaeed ee loo xoojin lahaa iyo sidii loo sii  horumarin lahaa  heer maanta joogo .

Kulan qaabilaada Wasiirka iyo safiirka Dawlada Qadar ayaa la isku dhaafsadey fikrado iyo aragtiyo kala duwan oo dhamaantood lagu horumarinaayo Xiriirka labada dawladood , Arimaha Gobalka iyo Beesha Caalmka.

Safiirka  Xasan Xamsa ayaa Gaari aan  xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si ay Wasaarada ugu adeegsato danaha  muhiimka ah , Gaarigaasi Hadiyada ayaa dawlada Qadar ugu Deeqday Xukuumada federaalka ee Soomaaliya iyadoo ah hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda arrimaha Soomaaliya.

Previous Post

Horjooge sare oo Alshabaab ka tirsanaa iyo maleeshiyadiisa oo Bakool lagu dilay

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Berri booqanaya Dalka Eretrea

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr Food Cadde

Madaxweyne Farmaajo oo Berri booqanaya Dalka Eretrea

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In