Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge sare oo Alshabaab ka tirsanaa iyo maleeshiyadiisa oo Bakool lagu dilay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Horjooge sare oo Alshabaab ka tirsanaa iyo maleeshiyadiisa oo Bakool lagu dilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya gobolka Bokool ayaa sheegay in howlgal qorsheysnaa oo ay fuliyeen ciidamada Darwiishta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku dileen horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab iyo tiro maleeshiyaada ah oo la socotay,iyadoo sidoo kale laga furtay hubkii ay wateen.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eeley) oo u waramayay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in horjoogaha la kharijiyay oo magaciisa lagu sheegay Macalin Deerow uu Alshabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadada isku xirta Bay iyo Bakool.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Howlgal qorsheysanaa oo ay saaka ciidamada Darwiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Lafaale oo qayaas ahaantii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool ayaa lagu dilay horjooge Macalin Deerow,waxaa sidoo kale goobtaasi lagu dilay ilaa 5 ka tirsan maleeshiyadii la socotay,waxaana laga soo furtay hubkii ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qoryaha loo yaqaano AK47,way sii socon doonaan howlgalada inshaa allaah”. Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Talaabadan ayaa wuxuu wasiirka amniga Koonfur Galbeed uu ku sheegay in ay qeyb k atahay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada nabadiidka Alshababa,kuwaasi oo ay iska kaashanayaan Darwiishta Koonfur Galbeed iyo Militariga Soomaaliya.

Dilka horjooge Macalin deerow ayaa noqonaya mid mid ay shacabku ku farxaan maadaama uu inta badan uu ka shaqeyn jiray dhibaataynta ganacsatada iyo shacabka kunool gobolka Bokool,waxaana dhowr goor ooh ore ay gubeen badeeco ganacsi iyo sahayda ay dadka shacabka ah oo safraya ay qaataan.

Ciidanka Xooga Dalka oo kaashanaya ciidamada gaarka ah ee dowlad goboleedyada ayaa guulo ka gaaray gulufka alshabaab looga soo horjeedo,iyadoo howlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan,sida Jubaland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Previous Post

Wasaaradda Diinta oo ku dhawaaqdey in la billaabay bixinta Dal-ku Galka Sacuudiga ee Xujeyda 

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF  Soomaaliya  oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha  Dalka  Qatar u jooga  Soomaaliya.+Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda DF  Soomaaliya  oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha  Dalka  Qatar u jooga  Soomaaliya.+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF  Soomaaliya  oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha  Dalka  Qatar u jooga  Soomaaliya.+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In