Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in hey’adda ay soo wajahday lacag yari waxaana uu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah in ay bixiyaan qaaraanka si looga gudbo dhibaatada dhaqaale ee soo food saaartay QM.
Warbaahinta Mareykanka ee Fox News, ayaa sheegtay in Guterres uu u digay xubnaha ururka in ay qeyb ka noqdaan dhibaatada dhaqaale ee hey’adda QM “ dhibaato dhaqaale ayaa soo food saartay QM taas oo ka dhalatay xubnaha ururka oo la daahay qaaraankii,”.
“Socodkayaga lacagta caddaanku marnaba ma aheyn mid sidan u hooseeya bilowga sanadka, qaabka hadda wax u socdaan sidoo kale walaac ayay nagu heysaa; lacagta waa ay naga dhamaan doontaa dhowaan haddii aan wax isbedelin,” ayuu sheegay Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres.
Guterres ayaa qorsheynaya in la yareeyo kharashka ku baxa howlaha ururka isla markaana aysan saameyn ku yeelan u jeedooyinka QM, isagoo xubnaha ururka u soo jeediyay aragti lagu xoojinaayo hanaanka maaliyadeed ee Qaramada Midoobay.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay in ay dhaqalaha ka jari doonaan hey’adda haddii ajendiyaasha Washington la fulin waayo.
Mareykanka waxaa uu isha ku hayaa in dhaqalaha lagu bixiyo hey’adaha qaar ee ururka, hase yeeshee Mareykanku ma dhimin mina yareyin lacagahaas, sababta daahitaanka lacagta ayaa lagu sheegay in maamulka Trump dib u habeyn ku sameeyay miisaaniyadda Mareykanka.
Hugh Dugan, oo ah diblomaasi hore oo Amerkaan ah waxaa uu leeyahay dalalka kale waxaa ay iska dhig dhigaan sida Mareykanka ay ugu go’an tahay dhaqaale ku bixinta ururkan iyo cilaaqaadka caalamiga ah.
Horaantii sanadkan, Mareykanka waxaa uu joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jirtay hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee loo soo gaabiyo (UNRWA).
Hadalka Guterres ee ku wajahan xubnaha ururka QM ayaa imaanaya xilli madaxweyne Trump uu cadaadis saaray dalalka caalamka iyo xulafada gaashaan buurta NATO in ay ka soo baxaan waajibaadkooda.
Tallaadadii la soo dhaafay, danjiraha Mareykanka ee QM haweeneyda lagu magacaabo Nikki Haley waxaa ay dalalka Carabta u sheegtay in ay dhaqaale badan ku bixiyaan arrimaha Falastiin.
“Mareykanku waa mid deeqsi ah. Waxaan nahay dad arrimaha bani’aadanimada daneeya . Waxaana doon dooneynaa waddo kasta oo lagu caawin karo dadka Falastiin, kuwaas oo dhibaatadooda si weyn noo taabanayso,” ayay tiri.
“Laakiin anaga duqomo ma nihin. Hadaan fidino gacan saaxiibtinimo iyo mid deeqsinomo , ma fileyno in gacamaha nalaga qaniino. Marka aan gacanteena fidino waa in kuwa kale sidaas oo kale yeelaan,” ayay hadalkeed u soo gabagebeysay Nikki Haley danjiraha Mareykanka ee QM.