Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo dhibaato dhaqaale laga soo sheegay

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
QM oo dhibaato dhaqaale laga soo sheegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in hey’adda ay soo wajahday lacag yari waxaana uu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah in ay bixiyaan qaaraanka si looga gudbo dhibaatada dhaqaale ee soo food saaartay QM.

Warbaahinta Mareykanka ee Fox News, ayaa sheegtay in  Guterres uu  u digay xubnaha ururka in ay qeyb ka noqdaan dhibaatada dhaqaale ee hey’adda QM “ dhibaato dhaqaale ayaa soo food saartay QM taas oo ka dhalatay xubnaha ururka oo la daahay qaaraankii,”.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Socodkayaga lacagta caddaanku marnaba ma aheyn mid sidan u hooseeya bilowga sanadka, qaabka hadda wax u socdaan sidoo kale walaac ayay nagu heysaa; lacagta waa ay naga dhamaan doontaa dhowaan haddii aan wax isbedelin,” ayuu sheegay Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres.

Guterres ayaa qorsheynaya in la yareeyo kharashka ku baxa howlaha ururka isla markaana aysan saameyn ku yeelan u jeedooyinka QM, isagoo xubnaha ururka u soo jeediyay aragti lagu xoojinaayo hanaanka maaliyadeed ee Qaramada Midoobay.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay in ay dhaqalaha ka jari doonaan hey’adda haddii ajendiyaasha Washington la fulin waayo.

Mareykanka waxaa uu isha ku hayaa in dhaqalaha lagu bixiyo hey’adaha qaar ee ururka, hase yeeshee Mareykanku ma dhimin mina yareyin lacagahaas, sababta daahitaanka lacagta ayaa lagu sheegay in  maamulka Trump dib u habeyn ku sameeyay miisaaniyadda Mareykanka.

Hugh Dugan, oo ah diblomaasi hore oo Amerkaan ah waxaa uu leeyahay dalalka kale waxaa ay iska dhig dhigaan sida Mareykanka ay ugu go’an tahay dhaqaale ku bixinta ururkan iyo cilaaqaadka caalamiga ah.

Horaantii sanadkan, Mareykanka waxaa uu joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jirtay hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee loo soo gaabiyo (UNRWA).

Hadalka Guterres  ee ku wajahan xubnaha ururka QM ayaa imaanaya xilli madaxweyne Trump uu cadaadis saaray dalalka caalamka iyo xulafada gaashaan buurta NATO in ay ka soo baxaan waajibaadkooda.

Tallaadadii la soo dhaafay, danjiraha Mareykanka ee QM  haweeneyda lagu magacaabo Nikki Haley  waxaa ay dalalka Carabta u sheegtay in ay dhaqaale badan ku bixiyaan arrimaha Falastiin.

“Mareykanku waa mid deeqsi ah. Waxaan nahay dad arrimaha  bani’aadanimada daneeya . Waxaana doon dooneynaa waddo kasta oo lagu caawin karo dadka Falastiin, kuwaas oo dhibaatadooda si weyn noo taabanayso,” ayay tiri.

“Laakiin anaga duqomo ma nihin.  Hadaan fidino gacan saaxiibtinimo iyo mid deeqsinomo , ma fileyno  in gacamaha nalaga qaniino. Marka aan gacanteena fidino waa in kuwa kale sidaas oo kale yeelaan,” ayay hadalkeed u soo gabagebeysay Nikki Haley  danjiraha Mareykanka ee QM.

 

Previous Post

Howlgalo Amaanka lagu xaqiijinaayo oo Saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo

Next Post

Qaban qaabo lagu soo dhaweynaya Ra’iisul Wasaaraha oo Garoowe ka socota +Sawiro

Next Post
Qaban qaabo lagu soo dhaweynaya Ra’iisul Wasaaraha oo Garoowe ka socota +Sawiro

Qaban qaabo lagu soo dhaweynaya Ra'iisul Wasaaraha oo Garoowe ka socota +Sawiro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In