Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AKHRISO: Hadaljeedinta Madaxweynaha JFS ee casho sharaftii soo dhaweynta ahayd ee Eriteriya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
AKHRISO: Hadaljeedinta Madaxweynaha JFS ee casho sharaftii soo dhaweynta ahayd ee Eriteriya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki,  Mudanayaal iyo Marwooyin

Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo fidiseen ka dib.

Hubaashii, booqashadani waa mid labadeenna qaranba taariikhda u gelaysa. Waxaan kaaga mahadcelinayaa martigelinta iyo soo dhawaynta aad noo samayseen aniga iyo waftigayga. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dadka gobta ah ee reer Ereteriya, kuwaas oo maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Asmara, soo dhawaynta diirran iyo sida ay u muujiyeen xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliyeed.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Mudane Madaxweyne,
Waxaan ku kalsoonnahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo, oo labadeenna qaranba dan u ah.

Wadahadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno.

Labadayaduba waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah.
Waxa aannu sidoo kale ku heshiinney inaan xoojinno iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

Iskaashigani waxa uu faa’ido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka simannahay caqabado isku mid ah.

Iskaashiga waxtarka leh ee ay dawladda Soomaaliyeed doonayso waa mid sahlaya in labadeenna qaran ay si buuxda u wada shaqeeyaan, labadeenna shacabna nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.

Waxaan doonaynaa in aynu caasimadeheenna ka hawlgelinno safaaradaha labadeenna qaran, wax-soosaarka dalalkeenuna si xor ah ugu kala gooshto gobolka oo dhan.

Dawladda Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray Ereteriya iyo Itoobiya. Waxa hubaal ah in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka faa’idi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo wadajirka gobolka.

Ereteriya waxa ay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, maamulkaygu waxa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo maamulkaaga danta labadeenna shacab iyo guud ahaan shucuubta Geeska Afrika.
Si taas loo gaaro, waxa aannu ku baaqaynnaa in gebi ahaanba cunaqabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale laga qaado dadka reer Ereteriya si loo helo isdhexgel dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suurtagelinaya ganacsi xor ah, kaasi oo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha.

Waad mahadsan tihiin.

Previous Post

Wasiirkii hore ee Waxbarashada XFS oo maanta Xilka ku wareejiyay siihayaha Wasiirka Mudane C/raxmaan Maxamed Jaabiri

Next Post

R/wasaare Ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka qeyb galay shir lagu daahfurayay Wacyigelinta cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka+Sawirro

Next Post
R/wasaare Ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka qeyb galay shir lagu daahfurayay Wacyigelinta cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka+Sawirro

R/wasaare Ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka qeyb galay shir lagu daahfurayay Wacyigelinta cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka+Sawirro

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In