Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarumo ay Dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic horumarineed.+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarumo ay Dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic horumarineed.+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdigiisa ayaa booqday goobo laga hirgeliyey warshado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee dhaliya korontada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kormeerka uu Madaxweynuhu ku tagay goobaha laga fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiimadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siinayso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka.

“Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeernay mashaariicdan ayaa ah inaan wax kala baranno oo aan eegno meelaha aan iskaashiga ka yeelan karno iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax soosaarka beeraha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo warshadaha.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka wareystay xaaladdooda nololeed, isagoona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada miradhalka ah ee ka soo baxay wadahadallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay ka mid tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safaarad ka furan doonto dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda.

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.

Previous Post

Mahdi Guuleed ”hadii uu dhamaado barnaaijkaan wacyigelinta waxaa ku xigto diiwaan gelinta cod-bixiyaha iyo samaynta goobihii ay cod-bixintu ka dhici lahayd”

Next Post

EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”

Next Post
EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”

EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In