Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026
Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026

Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo hadal ka jeedinayay munaasabad soo dhoweeyn  ah oo madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa loogu sameeyay magaalada Asmara ayaa marka hore sheegay iney farxad weyn u tahay inuu ku soo dhoweeyo gurigooda Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee booqday Ereteriya.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka dalka Eriteriya waxaa farxad weyn ii ah in aan idin ku soo dhaweeyo gurigiina labaad Mudane Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga sharafta leh”.

Madaxweyne Isaias Afwerki oo ka hadlayay xiriirka ka dhaxeeya Labada dalka ayaa Yiri’ Xiriirrada taariikhiga ah ee u dhexeeya labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ka soo unkameen bah-wadaagta aan ku nahay xadaaradihii hore ee ka jiray gobolka Geeska Afrika iyo in aan xisaabsannahay qaybta koonfureed ee Jasiiradda Carabta”.

Waxaan ku faannaa taariikhdan. Ixtiraamka dadka Eriteriya ay u hayaan walaalahooda Soomaaliya ayaa ku ku saleysan sooyaalkan wada jirka ah ee faca weyn.

Sidoo kale Mudane Isaias Afwerki ayaa sheegay in wax badan laga bartay caqabadahii hore ee inoo soo maray tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Dhammaanteen Soomaaliya, Itoobiya, Eriteriya iyo Suudaan waxa aynu si dhab ah ugu istaagnay dib u dhiska dalalkeenna, innagoona haysanna fursad taariikhi ah aynu ku dhisan karno iskaashi buuxa ee dalalka Gobolka Geeska Afrika.

“Inkastoo dhibaatooyinka nasoo maray ay badnaayeen, haddana waxaa muuqata in aan maanta galnay marxalad cusub, maadama aysan waligeed sii jireyn colaadaha iyo xasillooni darradu, waxayna u egtahay in haatan ay  dhammaad yihiin”, ayuu ku yiri Isaias Afwerki Khudbadka uu ka jeediyay munaasabadda lagu soo dhoweeynayay madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ee Asmara.

Madaxweynaha dalka Eriteriya oo soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inuusan shaki ku jirin in dadka Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan ula jaan qaadayaan hayaanka horumarka ay umba qaadeen dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

“Mudane Madaxweyne,Waxaad ii ogolaataa inaan mar labaad kuu xaqiijiyo sida aan ugu kalsoonahay kaalinta wax ku oolka ah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xaqiijinta iskaashiga aadka u sareeya ee aynu qorsheynayno. Waxan kuu rajeynayaa guul weyn oo ku aadan ka miradhalinta  dadaalada aad ku howlantahay, waxan kaloo kuu rajeynayaa in aad ka gudubtaan caqabadaha idin horyaala oo aadna kaalintiina ka qaadataan  iskaashiga amni iyo dhaqaale gobolka,’ ayuu ku soo gunaanaday Khudbadkiisa madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay safar taariikhi ah ku joogaan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eriteria,isagoona kullamo Taariikhi ah kula yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Eriteriya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Isaias Afwerki.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarumo ay Dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic horumarineed.+Sawirro

Next Post

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

Next Post

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

March 16, 2026
0

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa la filayaa in goordhow lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Ciid-siin iyo taakuleyn gaarsiiyay Dugsiga Agoonta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In