Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Dalka Zimbabwe oo ka bilaabatay tirinta codadka doorashada ka socotey

admin by admin
8 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Dalka Zimbabwe oo ka bilaabatay tirinta codadka doorashada ka socotey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Zimbabwe ayaa waxaa ka bilaabatay tirinta codadka doorashada iyadoo doorashadan ay tahay tii ugu horeysay ee ka dhacda dalkaas tan iyo markii talada laga tuuray Robert Mugabe.

Tirada Murashixiinta  ayaa u tartamaysa xilka Madaxweynaha dalka Zimbabwe ayaa gaartey  33 Murashax, iyadoo hogaamiyaha xisbiga ZANU-PF Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo 75 jir ah, uu si adag ula tartamayo hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ninka 40 jirka ah Nelson Chamisa.

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

 

Dadka u soo baxay inay codadkooda dhiibtaan ayaa aad u sareysay iyadoo dad ka badan shan malyan oo ruux loo diiwaangeliyay inay codeyn karaan.

Waxaana markii ugu horeysay ay goobjoogayaal caalami ay ka soo qayb galaan doorasha dalkaasi  tan iyo sanadkii 2002-dii

goobjoogayaasha iyo kormeerayaasha  doorashadan ka socday qaarada Yurub iyo Maraykanka.

Doorashooyinkii hore e ka  dhici jirey dalka Zimbabwe ayaa waxaa hareyn jirey cabsi gelin iyo hanjabaadyo ka imanaya Maamulka xilka hayey balse doorashada  dhacday ayaa  ahayd mid ku dhacday jawi nabdoon.

Elmar Brok madaxa goobjoogayaasha ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in doorashada ay ku dhacday si wanaagsan balse meelaha qaar aan si wanaagsan loo habeyn.

Dalka Zimbabwe ayaa doorashadan ay dhacday iyadoo uusan wax lug ah ku lahayn Robert Mugabe oo muddo dheer soo xukumayay dalka ku yaal Koofurta Afrika.

Natiijada doorashada ayaa la filayaa in lagu dhowaaqa maalinta Sabtida ee soo socota, waxaana doorasho labaad la geli doonaa haddii uusan musharax helin codad ka badan boqolkiiba konton. Doorashada labaad ee ku celiska ah ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo bisha September ee soo socota.

Previous Post

Maraykanka oo sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay samaysanayso gantaalo cusub

Next Post

Wadahadalada Siiriya oo dib u bilowday

Next Post
Wadahadalada Siiriya oo dib u bilowday

Wadahadalada Siiriya oo dib u bilowday

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In