Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Golihiisa Wasiirrada Oo Ka Qayb Galay Xuska 20-sano Guurada Aasaaska Puntland.+Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Golihiisa Wasiirrada Oo Ka Qayb Galay Xuska 20-sano Guurada Aasaaska Puntland.+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay munaasabadda xuska 20-sano guurada dawlad gobaleedka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garowe ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.

“Aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaceyga, magaca xukuummadda, dhamaan magaca dawladda federaalka iyo magaca ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa halkaan fadhiya, Soomaaliyeed waxa aan idin leeyahay hambalyo 20-sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaar Xasan Cali Khayre.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025

“Waxa aan u mahadcelinayaa madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa oo halkaan lagu soo bandhigay shaqada ay qabteen. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa madaweynayaashii kaa horeeyay oo gacan ka gaysatay dhismaha qarannimada aan halkaan u fadhinno. Waxa aan u mahadcelinayaa cid walba oo wax ka aasaastay qayb kamid ah sharafta Soomaaliyeed oo ah dhismaha Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu Puntland ku arkay hey’ado dawladeed oo dhismay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed iyo in madaxweyne walba oo loo doortay in uu hogaamiyo Puntland uu xilligiisii ku dhamaystay si nabad ah taas oo ay ka muuqato bisayl dawladnimo oo ay tahay Soomaalida inteeda kale in ay ka barato.

“Puntland waxa aan kula kulmay maskax caafimaad qabta, maskax wayn oo hiigsi leh, bisayl dawladnimo oo ku dayasho mudan, dad Soomaaliyeed oo fahmay in dalka la wada leeyahay gartayna in la wada dhisto, reja cusub oo ah jaceylka ay dawladnimada u qabaan shacanka reer Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaha XFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku ammaanay dawrka odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Puntland waxa uuna kula dardaarmay in Soomaaliya inteeda kale baraan dhaqankaas wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Khaye ayaa adkeeyay in ay muhiim tahay in loo istaago Soomaalinimada, si loo helana ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, midnimada, dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh, in dhalinyasrada lagu jiheeyo wax soo saarka, Caruurta waxbarasho lagula dadaalo, dhalinyarada loo diyaariyo hogaamiyayaasha mustaqbalka iyo in la horumariyo caafimaadka dalka si wada lahaanshaha dalka loo xoojiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u ballan qaaday Puntiland in dawladda federaalka Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ay kula jirto kooxaha naba-diidka ah ee Daacish iyo Shabaab si amaanka iyo xasiloonida loo sii adkeeyo.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Mareykanka oo fuliyey weerar lala bartilmaameedsaday Al-shabaab

Next Post
Duqeeyn qasaare geysatay oo kooxda UGUS lagula beegsaday Galgaduud

Mareykanka oo fuliyey weerar lala bartilmaameedsaday Al-shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In