Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Golihiisa Wasiirrada Oo Ka Qayb Galay Xuska 20-sano Guurada Aasaaska Puntland.+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Golihiisa Wasiirrada Oo Ka Qayb Galay Xuska 20-sano Guurada Aasaaska Puntland.+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay munaasabadda xuska 20-sano guurada dawlad gobaleedka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garowe ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.

“Aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaceyga, magaca xukuummadda, dhamaan magaca dawladda federaalka iyo magaca ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa halkaan fadhiya, Soomaaliyeed waxa aan idin leeyahay hambalyo 20-sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaar Xasan Cali Khayre.

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026

“Waxa aan u mahadcelinayaa madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa oo halkaan lagu soo bandhigay shaqada ay qabteen. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa madaweynayaashii kaa horeeyay oo gacan ka gaysatay dhismaha qarannimada aan halkaan u fadhinno. Waxa aan u mahadcelinayaa cid walba oo wax ka aasaastay qayb kamid ah sharafta Soomaaliyeed oo ah dhismaha Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu Puntland ku arkay hey’ado dawladeed oo dhismay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed iyo in madaxweyne walba oo loo doortay in uu hogaamiyo Puntland uu xilligiisii ku dhamaystay si nabad ah taas oo ay ka muuqato bisayl dawladnimo oo ay tahay Soomaalida inteeda kale in ay ka barato.

“Puntland waxa aan kula kulmay maskax caafimaad qabta, maskax wayn oo hiigsi leh, bisayl dawladnimo oo ku dayasho mudan, dad Soomaaliyeed oo fahmay in dalka la wada leeyahay gartayna in la wada dhisto, reja cusub oo ah jaceylka ay dawladnimada u qabaan shacanka reer Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaha XFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku ammaanay dawrka odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Puntland waxa uuna kula dardaarmay in Soomaaliya inteeda kale baraan dhaqankaas wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Khaye ayaa adkeeyay in ay muhiim tahay in loo istaago Soomaalinimada, si loo helana ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, midnimada, dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh, in dhalinyasrada lagu jiheeyo wax soo saarka, Caruurta waxbarasho lagula dadaalo, dhalinyarada loo diyaariyo hogaamiyayaasha mustaqbalka iyo in la horumariyo caafimaadka dalka si wada lahaanshaha dalka loo xoojiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u ballan qaaday Puntiland in dawladda federaalka Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ay kula jirto kooxaha naba-diidka ah ee Daacish iyo Shabaab si amaanka iyo xasiloonida loo sii adkeeyo.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Mareykanka oo fuliyey weerar lala bartilmaameedsaday Al-shabaab

Next Post
Duqeeyn qasaare geysatay oo kooxda UGUS lagula beegsaday Galgaduud

Mareykanka oo fuliyey weerar lala bartilmaameedsaday Al-shabaab

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In