Sunday, December 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Jaamacadaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Jaamacadaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Madaxda Jaamacadaha Gobolka ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Xarumaha Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wada shaqeyn dhaw oo ay yeeshaan Jaamacadaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarasho ee dadka danyarta ah, shaqo abuurka, tayeynta waxbrashada iyo la dagaallanka dukumiintiyada waxbarasho ee been abuurka ah.

Related posts

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025

“Waxaan idiinku bishaaraynayaa in uu haatan socda qorshaha daadajinta maamulka ee Gobolka Banaadir, taas oo ay qeyb ka tahay in aan idiin ka hirgelinno degmooyinka aad xarumaha ku leedihiin xafiisyada bixinta adeegyada la xiriira dhanka waxbarashada, sida diiwaan gelinta xarumaha waxbarashada, dhalashada iyo sugnaanta ardayda, wanaa qeyb ka mid ah codsiyada aad noo soo gudbiseen”

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay wadaan dadaallo lagu yagleelayo Mac-hadka Dowladda Hoose ee Xamar oo la qorsheynayo in uu soo saaro xeel dheerayaal ku takhasusay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, fayo dhowrka iyo ilaalinta deegaanka.

Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyey qorshayaasha la soo bandhigay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa Maamulka Gobolka.

Sidoo kale, Madaxda Jaamacadaha ayaa soo bandhigay hannaanka ay kaga qeyb qaadanayaan qorhseyaasha is-xilqaanka ah ee ka socda Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku saabsan bilic soo-celinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Caasimadda.

Previous Post

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo lagu soo eedeeyay ku tagrifalka Hantida Qaranka

Next Post

Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah,...

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

December 6, 2025
0

Wafdiga ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa booqasho shaqo oo rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In