Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Khartuum, Suudaan +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Khartuum, Suudaan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan si ay uga qayb galaan shir ay yeelanayaan madaxda urur gobaleedka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku saxiixanayaan madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore Riek Machar.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudaan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada Suudaan Bakri Xasan Saalax.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaanaya saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar oo hogaamiya kooxda mucaaradka ah ee SPLM-IO oo isku hayay siyaasadda dalkaas ayaa ugu danbeyn oggolaaday heshiis ay hormuud ka tahay IGAD kaas oo lagu dhameynayay colaadda waqtiga dheer qaadatay ee dalkaasi ka jirtay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelanaya madaxda urur gobaleedka IGAD ee shirka ka qayb gelaya.

Previous Post

Heshiis dhigaya in WFP iibsato dalaga dalka oo Muqdisho lagu saxiixay

Next Post

Xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo laga furey Bar-Xuduudeedka Tuur-Dibi ee degmada Goldogob +Sawirro

Next Post
Xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo laga furey Bar-Xuduudeedka Tuur-Dibi ee degmada Goldogob +Sawirro

Xafiiska hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo laga furey Bar-Xuduudeedka Tuur-Dibi ee degmada Goldogob +Sawirro

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In