Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiis dhigaya in WFP iibsato dalaga dalka oo Muqdisho lagu saxiixay

caqiil by caqiil
August 5, 2018
in Wararka
0
Heshiis dhigaya in WFP iibsato dalaga dalka oo Muqdisho lagu saxiixay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay heshiis ku kala saxiixdeen Wasaaradda Beeraha iyo hey’adda WFP kaas oo ku saabsanaa in hey’addu iibsato dalaga ka soo go’ beeraha dalkeenna.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay wasiirka Beeraha iyo waraabka ee xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Yariisoow madaxda Barnaamijka cuntada adduunta ee WFP, iyo guddiga beeraleyda Soomaaliyeed.

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay raashin Ganleey ah oo WFP ay ka iibsatay beeraleeyda Soomaaliyeed kaas oo cadadkiisu gaarayo 2,500 metric Tone, waxaana wasiirka wasaaradda Beeraha iyo wakiilka WFP ay halkaasi ku kala saxeexdeen heshiis ku saabsanaa in hey’addu ay raashinka ka iibsato beeraleyda Soomaaliyeed halkii marka hore ay ka soo iibsan jirtay dalka dibaddiisa.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in lagu guuleystay sidii hey’adda WFP ay u iibsan laheyd dalagyada ka soo go’ beeraha wadanka.

Madaxda hey’adda WFP ayaa iyaguna halkaasi ka qiray in baaritaan ka dib ay xaqiiqsadeen in tayada raashinka Soomaaliya uu yahay ugu wanaagsan dalagyada ka soo baxa wadamada geeska Afrika, wayna hoosta ka xariiqeen in WFP ay iibsan doonto raashinka ka soo go’ beeraha dalka.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa soo dhaweeyay heyshiiska ay kala saxiixdeen  wasaaradda beeraha iyo WFP isagoo tilmaamay in tani ay dhiirrigelinyso siyaasadda dowladda ee ku wajahan la dagaallanka faqriga.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay xukuumaddu Federaalka Soomaaliya ay ku horumatineyso dhaqaalaha dalka isla markaana lagu yareeynayo saboolnimada.

Previous Post

Al-Shabaab oo ku dilay qof Muslim ah Salaad ku jira

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Khartuum, Suudaan +Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Khartuum, Suudaan +Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Khartuum, Suudaan +Sawirro

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In