Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u gilgilay warbaahinta caalamka, kadib markii diyaaraddan oo duulimaadkeedu aha 171 una socotay garoonka Gatwick ee London ay si lama filaan ah u burburtay wax ka yar hal daqiiqo kadib markay kacday.

Diyaaraddan oo ahayd nooca Boeing 787 Dreamliner, ayaa sidday 230 rakaab ah, 10 shaqaale duulimaad iyo 2 duuliye, iyadoo inta badan dadkii saarnaa ay ku dhinteen shilkaas. Warbixin hordhac ah oo uu Sabtidii soo saaray Xafiiska Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya (AAIB) ayaa sheegtay in qalabka kontoroolka shidaalka ee diyaaradda (Fuel Control Switches)ay si lama filaan ah uga wareegeen booskii loogu talagalay ee  (Run) una wareegay (Cutoff), taasoo keentay in labada matoor ee diyaaradda ay isla markiiba joojiyaan shaqada,xilli diyaaradduna ay hawada ku jirtay.

Related posts

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026

Labada matoor ayaa istaagay isku mar, taasoo sababtay in diyaaraddu si deg deg ah hoos ugu dhacdo.

Warbixintu ma caddayn sababta qalabkaasi uu uga dhaqaaqay booskoodii, mana eedayn cid gaar ah. Hase yeeshee, codad laga helay duubista xagga gudaha kabadhka duuliyeyaasha(Cockpit Voice Recordings) ayaa muujiyay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu weydiiyay kan kale: “Maxaad u damisay?” isagoo ugu jawaabay duuliyihii kalena, “Anigu ma damin!.”

Wali waxaa socda baadhitaannada iyo xogaha laga uruurinaya burburka diyaaraddan.

Previous Post

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Next Post

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Next Post
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabka ku nool gobollada Hiiraan, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa ka hadlay sida ay u soo dhaweynayaan dhismaha Maamulka Waqooyi...

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In