Thursday, June 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah la qaatay Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS, ayaa  waxaa kulankaasi looga hadlay shantii cutub ee dastuurka ee dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga madaxa banaan iyo la socodka dastuurka, iyaddoo guddiga ay wasaarada kala hadleen waxa ka quseeya shantaasi cutub sida Maqaamka caasimada, Jinsiyada, Federaalka ,qaabka ay u dhismeen Dowlad goboleedyadda, doorashooyinka iyo awood qeybsiga.

Kulanka oo saacado qaatay ka dib waxaa warbaahinta la hadlay ugu horayn Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu sheegay in howlaha wasaaradda ay waxbixn ka siiyeen guddiga iyo waxyaabaha ka quseeya Shanta cutub ee dastuurka, kaasi oo dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga dib u eegista dastuurka.

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Sanatar Cabdi xasan cawaale qaybdiid guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqaynayeen hal shaqo, balse loo baahan yahay in guddiga ay hay’adaha dowlada ee ay quseyso dastuurka la shaqeeyaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka , wasiiru dowlaha , wasiir ku xigeenka iyo howl wadeenada la socday, labada dhinac ee guddiga iyo wasaarada hal shaqo ayaan wada heynay hay’adaha kale ee dowladana waxaan ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan” ayuu yiri Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Muddooyinkii ugu danbeeyay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay kulamo la qaadanayeen hay,adaha dowlada iyo qaybaha kala gedisan ee bulshadda.

Previous Post

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa banaan ee Dib u Eegida iyo Hirgelinta Dastuurka.

Next Post

Shirkada Qalabka Ciyaara A 2 Z oo Si bilaash qalab ku siisay Xirirka Mini Footbal-ka Soomaaliya

Next Post
Shirkada Qalabka Ciyaara A 2 Z oo Si bilaash qalab ku siisay Xirirka Mini Footbal-ka Soomaaliya

Shirkada Qalabka Ciyaara A 2 Z oo Si bilaash qalab ku siisay Xirirka Mini Footbal-ka Soomaaliya

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In