Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Shirkada Qalabka Ciyaara A 2 Z oo Si bilaash qalab ku siisay Xirirka Mini Footbal-ka Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Shirkada Qalabka Ciyaara A 2 Z oo Si bilaash qalab ku siisay Xirirka Mini Footbal-ka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalalka Sportiga ku hormaray waxaa sababay shirkadaha ka dhisan dalalkooda waayo waxaa ay ka helaan tageero dhan kasta ah ayadoo  sidoo kale ay jiraan shirkado kale oo ku caan baxay sameynta qalabka ciyaaraha kala duwan lagu ciyaaro sida shirkadaha Adidas iyo Nike kuwaasi oo sameeya qalabka Kooxaha sida Fanaanadaha Kabaha iyo wixii la midka ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Hadaba dalkeena Soomaaliya sadexdii sano ee la soo dhaafay waxaa kor u sii kacayay horumarka Ciyaaraha dalkeena Soomaaliya dhan kasta Kooxaha qaarkood waxay tageero dhaqaale ka helayeen qaar ka mid ah shirkadaha ka dhisan gudaha dalka.

Shirkada A-Z ayaa ka mid ah Shirkadaha u taagan horumarka ciyaaraha dalkeena Waana Shirkad sameysa qaar ka mid ah qalabka Ciyaaraha,  Shirkada waxay si hagar la,aan ah u garab istaagtay xiriirka  Kubad Cag-yaraha Soomaaliya oo dhowaan u safri doona dalka mareykan halkaasi oo uu ugu qayb geli doono tartanka International Arena Soccer ee mini football-ka  waxaana xiririka uu ka gudoomay A-Z dhamaan qalabkii uu ugu qayb qaadan lahaa tartanka waana markii labaad oo ay A-Z sidaan oo kale qalab ay si bilaash ah ku siiso mini football-ka Soomaaliya oo dhowr tartan ka qayb qaatay tartankaan waxaa ka qayb galaya Mexico Usa Colombia iyo Somalia dalkii laga adkaado tartanka ayuu isaga hari doona.

Xaaji Aadan Cabdulle  Xoghaya Xiririka Mini Football-ka Soomaalia oo ka gudoomay Shirkada A-z qalabka ayaa ugu mahad celiyay garab istaaga Shirkada ay u muujisay Xirirka Mini Football-ka.

Maamulaha Shirkada A-z Cabdi Nuur Cismaan Cadoow oo qalabka ku wareejiyay Xirirka kubad Cag-yaraha ayaa sheegay in A-z ay tahay shirkad garab istaagi doonto dhamaan sportiga dalka sidaa kooxaha dalka ka jira iyo waliba kulamada qaramada kale duwan uu leeyahay dalkeena Soomaaliya.

Gudoomiye xigeenka  Xirirka Ciyaaraha fudud Axmed Maxamuud Gacal oo sidoo kale ka soo qayb galay Munaasabada lagu gudoonsiiyay qalabka Xiriirka Mini Football-ka ayaa sheegay in tani ay tahay horumar kale oo lagu talaabsaday.

Maamulaha shirkada A-z ayaa ii sheegay in hada kadib ay qorsheyn doonto in si bilaash ah ay ku bixiso dhamaan agabka kooxaha heerka kowaad ee dalka si horumarka kubada cagta Soomaaliya uu sare ugu kaco guulo wax ku ool ahna loo gaaro waana mida kaliya ee ka maqnaa kooxaha dalka iyo waliba ciyaartoyda soomaaliya waana horumar cusub oo ay u horseedi doonto A-Z shirkadaha kale ee jira gudaha dalka.

Hoos ka daawo Muuqalka 

https://www.youtube.com/watch?v=OoSYpo5X4g4

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka “Sawirro”

Next Post

Eng. Yarisow “Adeegga Aamin Ambalaas muhiimad weyn ayuu ugu fadhiyaa Bulshada Caasimadda waana garab taagannahay”

Next Post
Eng. Yarisow “Adeegga Aamin Ambalaas muhiimad weyn ayuu ugu fadhiyaa Bulshada Caasimadda waana garab taagannahay”

Eng. Yarisow “Adeegga Aamin Ambalaas muhiimad weyn ayuu ugu fadhiyaa Bulshada Caasimadda waana garab taagannahay”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In