Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay ka dhigan tahay in dekedda Muqdisho ay shaqayso xilli habeen ah?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maxay ka dhigan tahay in dekedda Muqdisho ay shaqayso xilli habeen ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadanka Soomaaliya oo Alle ku manaystay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, wuxuu leeyahay Dekado dhowr ah oo isugu jira kuwa rasmi ah iyo kuwa Dabiici ah ah:-

Dekedaha Rasmiga:-ย 1- Muqdisho,ย  2- Berbera,3- Kismaayo,4- Boosaaso.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Dekedaha Dabiiciga:-ย 1- Baraawe, 2- Marka, 3- Ceel Macaan, 4- Cadale, 5- Mareeg, 6- Gaan, 7- Hobyo, 8- Garacad iyo 9- Saylac

Dekeddda Caalamiga Muqdishoย (Port of Mogadishu) Waa mid ka mid ah Dekedaha Rasmiga ah ee dalka Soomaaliya leeyahay, waxaana jirtay xilli ay ahayd tan ugu weyn isla markaana ugu mashquulka badanย  Geeska Afika.

Marsada Muqdisho waxay leedahay taariikh aad u fog, taasi oo taariikhyahanadu ku sheegaan in dekedani jirtey wakhtigiiย  Boqortooyadii Roomaanka, waxayna muddo dheerย  ahayd il dhaqaale oo lagama maarmaan u aha Nolosha bulshada Soomaaliyeed ย ku noolayd Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dekedda wayn ee Muqdisho oo horay u shaqayn jirtay maalintii kaliaya, ayaa hadda waxay shaqayn doontaa habeen iyo maalin, kadib cabasho ka timid ganacsatada Somaaliyeed, si waqti badan loogu helo fududayntaย  adeegyada ballaaran ee dekaddu u hayso bulshada.

Raโ€™iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ay la socdeen xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furayย  tallaabada cusub oo Dekedda Muqdisho habeenkii ku shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay si isku mid ah dekadu u shaqaynayso,si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kala duwan.

โ€œFarxad iyo guul bay inoo tahay in aan daah furno in Dekedda shaqeyso habeen iyo maalin ,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda,raiius Wasaaraha,iyo Madaxweynaha JFS waxaan ku dhawaaqayaa in Dekedda Muqdisho ay diyaar u tahay in xiliyada habeenkii ah ay shaqeyso,Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeysa waxay ka dhigan tahay horumar deg deg ah oo dhaqaalaha dalkeenu ku talaabsaday,taasina waxay noo sahleysaa in aan isku filnaanoโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka Dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Ku xigeenka wuxuu intaasi raaciyay in aad loo adkeeyay amniga Dekedda, lana diyaariyay dhammaan agabyadii gacanta ka gaysan lahaa Xaqiijinta nabadgalyada, maadaama ay tahay il dhaqaale oo lagama maarmaan u ah nolosha umadda Soomaaliyeed.

Wasiiradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aways Jaamac ayaa tiri โ€ Waa guul wayn oo shacbiga Soomaaliyeed u soo hoyatay in Dekedda Muqdisho ay habeen iyo maalinba shaqayso, waxaanan rajaynayna in dhammaan dekedaha Soomaaliyeed sidaasi si la mid ah u howlgalaan.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada Dakedda xiliyada habeenkii ay kaalin ka qaadanayso horumarka dhaqaale ee Dalka.

โ€œCaawa waxaa noo suuro gashay in aan daahfurno in Dakadda Muqdisho ay shaqeyso 24saac, Ganacsataduna ay Badeecadohooda kala soo bixikaraan kana dhoofsan karaan Habeen iyo Maalinbaโ€. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay ahmiyadda arrintan ay leedahay iyo dadaalkii lagu bixiyay sidii lagu gaari lahaa,isagoo guul ku tilmamay,Wuxuuna bogaadiyay in fursado la siiyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Tallaabadan lagu horumarinayo Adeegga Dekedda Muqdisho u hayso Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ah mid ka mid ah guulihii taariikhiga ahaa oo ay ku tallaabsatay Xukuumadda Soomaaliya, sida dib u soo celinta Maamulka Hawada Soomaaliya iyoย  Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde oo asna habeen iyo maalin Shaqeeya

Previous Post

Munaasabad lagu dhiira gelinayey Dhalinyarada oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Ciidanka Amniga oo Suuq Bacaad ku toogtay Dhagar qabe katirsan Al-shabaab

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Ciidanka Amniga oo Suuq Bacaad ku toogtay Dhagar qabe katirsan Al-shabaab

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In