Monday, May 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo saartay Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka.

caqiil by caqiil
August 19, 2018
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo saartay Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda  iyo manhajka qaranka  ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

May 25, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

May 25, 2025

Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka  qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada  hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka  ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee  fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo.

T,Imtixaanka  fasaladka afraad  waxaa qaadaya  wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

J,shahaadda dugsiyada sare  waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka  iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.

 3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.

Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad  wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha  December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan  Sabtiga ugu horeeya  ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj.

4-Afafka lagu baranayo manhajka.

  • Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.
  • Afka carabiga waxaa maado ahaan  laga bilaabayaa  fasalka koowaad dugsiga hoose.
  • Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.
  • Dugsiga sare waxaa wax lagu  baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.

5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.

  • Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado.
  • Dugsiga dhexe wuxuu qaadan  8 maado.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado.
  • Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood
  • Dugsiga dhexe  wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa  10 bilood.
Previous Post

Ciidanka ammaanka oo qabtay rag Al-shabaab ka tirsan

Next Post

Raiisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xarunta C.I.D oo dib u dayactir lagu sameeyey +Sawirro

Next Post
Raiisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xarunta C.I.D oo dib u dayactir lagu sameeyey +Sawirro

Raiisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xarunta C.I.D oo dib u dayactir lagu sameeyey +Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah , xafiiskiisa Wasaaradda...

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Danjire Cabdixakiin Ashkir ,ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In