Shirka wadatashiga diyaarinta Hanaanka Dib u heshiisiinta Qaran ayaa maalinkii labaad Muqdisho ka furmay waxaana ka qeyb galaya ururada bulshada Rayidka.
Ku simaha wasiirka ahna Wasiiro dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye oo furay waxaa uu sheegay in bulshadda rayidku ay laf dhabar u yihiin diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta qaran.
Wasiiro ku dowlaha ayaa intaa ku daray in bisha december ugu dambeyn la soo gabagabeyn doono wadatashiyada lana soo saarii doono hannaan qaran oo loo maro dib u heshiisiinta iyada oo la tashiyo lagala sameynayo doono bulshada ku nool deeganada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir
ka qeyb galayaasha ayaa loo qeybiyay koox koox si ay uga doodaan hanaanka ku haboon in loo wajaho dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud oo shirka soo xeray ayaa tilmaamay in la tashiyada ay sii wadi doonto wasaaradda si loo helo hannaan sal adag leh oo loo maro dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
Shirkaan oo socday laba maalin ayaa maalinkii shalay aheed oo uu furmay waxaa ka qeyb galay madax ka socotay hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, halka maanta ay ka qeyb galeen bulshada rayidka