Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo ay  weliyeen taliye ku xiggeenka koowaad ee Booliska S/guuto Saciid Axmed Kadiye iyo Saraakiil kale, ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Ciidanka ammaanka ee ku sugan magaaladda Muqdisho.

Kormeerka, ayaa ka bilowday Deegaanka Gubadleey, Shineemo Cabdi Waayeel, Saldhigga Degmadda Heliwaa, fadhiyada Ciidanka ee degmadda Deyniile, Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Jaziira, waxaana Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa la qadeeyey Ciidanka Ammaanka,  waxaana kormeerkaan uu ahaa mid lagu dhiir gelinayo Ciidanka, sidoo kalana  lagula qeybsanayo farxadda Munaasabadda maalinta Seddexaad ee Ciidul Adxaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”,  ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay Ujeedka Kormeerka ay maanta sameeyeen, isagoo xusay inay u kuur galayeen sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo la hadlay Ciidanka ku sugan Kontaroolada laga soo galo Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed Ciidanka ay ku  ammaanayaan  Xaqiijinta Amniga.

Previous Post

Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga oo si rasmi ah Xilka ula wareegay “Sawirro”

Next Post

Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia

Next Post
Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia

Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In