Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 24, 2018
in Wararka
0
Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo ay  weliyeen taliye ku xiggeenka koowaad ee Booliska S/guuto Saciid Axmed Kadiye iyo Saraakiil kale, ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Ciidanka ammaanka ee ku sugan magaaladda Muqdisho.

Kormeerka, ayaa ka bilowday Deegaanka Gubadleey, Shineemo Cabdi Waayeel, Saldhigga Degmadda Heliwaa, fadhiyada Ciidanka ee degmadda Deyniile, Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Jaziira, waxaana Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa la qadeeyey Ciidanka Ammaanka,  waxaana kormeerkaan uu ahaa mid lagu dhiir gelinayo Ciidanka, sidoo kalana  lagula qeybsanayo farxadda Munaasabadda maalinta Seddexaad ee Ciidul Adxaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”,  ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay Ujeedka Kormeerka ay maanta sameeyeen, isagoo xusay inay u kuur galayeen sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo la hadlay Ciidanka ku sugan Kontaroolada laga soo galo Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed Ciidanka ay ku  ammaanayaan  Xaqiijinta Amniga.

Previous Post

Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga oo si rasmi ah Xilka ula wareegay “Sawirro”

Next Post

Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia

Next Post
Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia

Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In