Saturday, September 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo faah-faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Duqa magaalada Ankara – DHAGEYSO

admin by admin
September 4, 2018
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo faah-faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Duqa magaalada Ankara – DHAGEYSO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho rasmi ah.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya saxiixa mataaneynta labada Caasimadood ee Muqdisho iyo Ankara oo maalinta beri ah la saxiixayo. Isagoo sidoo kalena ka qeyb geli-doona shirweynaha Midowga Caasimadaha Caalamka oo ay marti gelineyso magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Duqa Muqdisho oo weheliyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Mudane Maxamed Jaamac Caydiid ayaa kulan la qaatay dhiggiisa magaalada Ankara Prof. Dr. Mustafa Tuna oo ay ka wada hadleen Maamulka labada Caasimadood ee Soomaaliya mataaneyntooda iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta.

“Waxaan Kulan ku qotomay xoojinta xiriirka labada Caasimadood wada yeelanay Duqa Ankara Dr. Mustafa Tuna oo isla qirnay muhiimadda ay leedahay mataanaynta labada Caasimadood.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inta uu ku sugan yahay Ankara waxa uu kulammo doceedyo la qaadan doonaa madaxda Caasimadaha ee ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadli doona sidii ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO, GUDDOOMIYAHA GOBALKA BANAADIR OO KA HADLAY SAFARKIISA TURKIGA.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/09/160414_2308.mp3

 

Previous Post

President Farmajo addressed the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC)

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Taliska Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Taliska Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Qaranka “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Taliska Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta...

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

September 6, 2025
0

RADI MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada...

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In