Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Guddoomiye Yariisow kulanka waxaa ku wehlinaayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marwo Basma Caamir Shakeeti iyo Xoghayaha guud ee gobolka banaadir Mudane Cumar C/risaaq.

Guddiga ayaa masuuliyiinta gobolka banaadir su’aalo ka weydiiyay waxyaabihii u qabsoomay mudada ay xafiiska joogaan.

Sidoo kale guddiga ayaa weydiiyay qorshayaasha maamulka gobolka ay u diyaariyeen hormarinta caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan.

“ Maamulka gobolka waxa uu diyaar u yahay in su’aalo laga weydiiyo oo lagula xisaabtamo shaqada uu hayo, xubnaha guddiga waxa ka codsanay iney nagala shaqeeyaan hormarinta iyo suggida amniga caasimadda”. ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Mudane Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir ay wax ka weydiiyeen qorshe howleedkooda.

“ Arrimo muhiim ah ayaa ka wada hadalnay, waxaa ka dhageysanay warbixin ku saabsan shaqooyinka ay bulshada u hayaan, waxyaabo baahiyo ah way noo soo gudbiyeen waxa la wadaageynaa cida ay khuseyso si wax loogu qabto”. ayuu yiri Xildhibaan Geeseey.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka iyo maamulka gobolka banaadir ayaa ku balamay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo amniga iyo hormarinta caasimadda.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo dib u habeyn ku sameeyey Garoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad

Next Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka

Next Post
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

July 29, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Kampala si rasmi ah uga furmay shirka taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ku deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In