Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka

admin by admin
September 8, 2018
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khadka taleefanka kuwada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti, isagoona ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ku bogaadiyey muhiimadda ay siiyeen xasilloonida, nabadda iyo ilaalinta daris wanaagga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay joogaan wakhtigii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen, xoojinna lahaayeen iskaashiga, horumarka iyo xasilloonida.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku saleysan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada shacab ee dhaqan iyo dhalasho wadaaga ah.

 

Previous Post

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Michael Keating

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Michael Keating

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Michael Keating

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In