Monday, November 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Michael Keating

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Michael Keating
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay Michel keating oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wakiil uga ahaa Soomaaliya intii u dhexeysay 2016-2018.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre ayaa Michel Keating uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay, waxa uuna guddoonsiiyay haddiyado ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025

“Waan kuu ognahay dareenkaaga xooggan ee aad u hayso Soomaaliya iyo fahamkaaga ku aaddan ajandaheenna dib u habayneed, gaar ahaan dib u habaynta dhaqaalalaha. Taageeradaada waxa ay qayb ka qaadatay isbedelka muuqda ee dalka, waxa aan kuu haynaa xushmad ballaaran”, ayuu ra’iisul wasaare Khayre ku yiri Michael Keating.

Michael Keating ayaa ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ku ammaanay dawrka wanaagsan ee hoggaamineed iyo isbedelka muuqda ee ay la timid xukuummadda uu hoggaamiyo.

“Soomaaliya iyo Soomaalidu aad ayay u nasiib badanyihiin maadaama aad ra’iisul wasaare u noqotay. Waxaa kaa go’an wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya. Anigana nasiib ayaan leeyahay sababta oo ah dalkaan ayaad ra’iisul wasaare ka noqotay intii lagu guda jiray xilligii aan ahaa wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Soomaaliya. Maamulkaagu waa astaan ku dayasho mudan, anigana Shaqsi ahaan waan kugu ammaanayaa hawshaas wanaagsan”.

Michael keating oo dhamaysatay xilli hawleedkiisii Soomaaliya ayaa waxaa xafiiska ka bedelaya ergayga cusub ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, usoo wakiisho arrimaha Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hooyadiis ay geeriyootay

Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

November 17, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Faysal Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la qabanayo Shirweynaha...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In