Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaara Khayre oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu samaynayo +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaara Khayre oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu samaynayo +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.

Sanduuqa horumarinta dawladda Qatar ayaa maal-gelinaya dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo wasaaradda qorshaynta, arintaas oo qayb ka ah heshiis ay horay u wada saxiixeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda Qatar maal gelinta mashruucaan, isaga oo sheegay in dhismaha wasaaraddu uu muhiim u yahay barnaamija xukuummadda, shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhismaha wasaaraddan iyo in aan kusoo celinno sidii ay ahayd sanad gudihiis waa geeddi socodka aan rabno in wasaarad iyo dhisma waliba ee waddankaan laga dudumiyay aan dib ugu soo celinno sidii ay ahaan jirtay”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

“Dowladdu waxba ma dhisi karto hadii shacabka Soomaaliyeed aysan garab istaagin. shacabka Soomaaliyeed meel kasta ee ay joogaan iyaga laftoodu waa in ay go’aan ka gaaraan dhismaha waddanka”, ayaa ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacaka Soomaaliyeed.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku samaysay xarumo ku burburay dhitaatooyinkii dalka soo maray, si loogu guulaysto hannaanka soo celinta iyo dib u noolaynta dhismayaasha dawladda iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka.

Previous Post

17 oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Suudaanta Koofureed

Next Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika oo ka hadlay dhaca iyo boobka lagu hayo Ganacsatada Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika oo ka hadlay dhaca iyo boobka lagu hayo Ganacsatada Soomaaliyeed+Sawirro

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika oo ka hadlay dhaca iyo boobka lagu hayo Ganacsatada Soomaaliyeed+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda...

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee...

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LIBYA):-Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Haaruun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In