Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka gobolka”

admin by admin
September 10, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka si rasmi ah u furay kalfadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka DFS, isaga oo xubnaha Golaha Shacabka uga warbixiyey dadaallada dowladnimada lagu xoojinayo ee dalka ka socda. Khudbadda Madaxweynuhu waxa ay taabanaysay dhinacyda amniga, siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha, la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya iyo barnaamijka Is-xilqaan.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalku ay ku dhisan tahay is-ixtiraam, wax-wada-qabsi iyo tixgelinta madaxbannaanida dal walba. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in bilihii la soo dhaafay ay DFS ku mashquulsanayd xallinta isfaham darradii u dhexaysey dalalka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in hadda loo gudbey marxalad khilaaf la’aan ah (Zero Conflict).

Madaxweynaha oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Waxaa guul inoo ah inaynu bilihii na soo dhaafay aynu dadaal ku bixinnay ka qayb-qaadashada sidii loo dhammayn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay dalalka Gobolka Geeska Afrika. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka gobolka, waxaanna u gudbeynaa marxalad ku suntan khilaaf la’aan (Zero Conflict), iskaashi iyo wax-wada-qabsi.”

Waxa xusid mudan in Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay 6-dii bishan magaalada Asmara ku kala saxiixdeen heshiis Isfahan ah oo ku saabsan iskaashi dhaw oo dhexmara dalalkaas. Ka dib kulankii saddexda hoggaamiye, wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa u duulay magaalada Djibouti, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Djibouti, si ay ugala xaajoodaan dadaallada lagu heshiisiinayo Ereteriya iyo Djbouti. Dadaalladan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay qayb weyn, si gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaalo nabad iyo xasilooni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale carabbaabay in shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels ka dhacay bishii July ee sannadkan ay ka soo baxeen natiijooyin xoojinaya shirkii Golaha Amniga ee bishii Juun ka dhacay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay “Waxaan jeclahay inaan idinla wadaago in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horaantii Bisha Juun ka dhacay magaaladda Baydhabo halkaas oo lagu saxiixay hanaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka. Shirkaas oo isugu yimaadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, iyo Gobolka Banaadir, wuxuuna sii xoojiyey iskaashiga ka dhaxeeya Somalia iyo beesha caalamka.”

Ugu danbayntii, aqoonyahanka ka faallooda siyaasadda arrimaha dibadda ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii Soomaaliya u soo ceshan lahayd maqaamkii ay ku lahayd Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka, maaddaama oo ay hormuud ka tahay dadaallada ka socda Geeska ee lagu abuurayo iskaashi dhaw oo dhexmara dhammaan dalaka Geeska Afrika.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Ehelada Dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii ka dhacay Degmada Hodan

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 6 xarumood oo muhiim ah lagu dhisayo ololaha Isxilqaan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 6 xarumood oo muhiim ah lagu dhisayo ololaha Isxilqaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In