Thursday, November 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergey cusub oo loo Magacaabay Soomaaliya

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ergey cusub  oo loo Magacaabay Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa,Antonio Guterres , ayaa Shalay oo Arbaca ahayd si rasmi ah ugu Magacaabay Soomaaliya Ergey cusub.

Mr, Guterres ayaa Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Dalka Koofur Afrika u Magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska nabad ilaalinta ee Dalka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025

Danjire, Nicholas Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo Xafiiska hayay tan iyo 22-kii November, 2015, kaas oo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somaliya, Nicholas Kay.

Ergeysan cusub ee Xoghayaha QM Soomaaliya u joogi doona ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego horraanta Bisha Octoobar ee Sanadkan 2018-ka.

Nicholas Haysom, ayaa ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u fadhiya Waddamada Suudaanta Waqooyi iyo tan koofureed wixii ka horreeyay 2016-kii ,wuxuuna sidoo kale kaaliye howl-galka QM ka soo noqday Dalka Afghanistaan.

Nicholas Haysom ayaa ah Qareen ku xeel dheer xallinta khilaafaadka, isagoo aqoon u leh ka shaqaynta arrimaha doorashooyinka, habaynta Dastuurka iyo maamul wanaagga.

 

Previous Post

Kofi Annan oo lagu aasayo dalkiisa Ghana

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka +(Sawirro)

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka +(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka +(Sawirro)

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda...

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

November 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

November 20, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In