Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jubbaland oo mamnuucay in shirar loo aado goobaha Shabaabku joogaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Magaalada Balad Xaawo oo Hormar  dhanka Ganacsiga iyo Amaanka ah Sameysyay+Warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Aminga ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Bardheere ee Gobalka Gedo ayaa mamnuucay in dadka wada shaqeynta la leh argagixisada Al-Shabaab inay ka noolaadaan deegaanno uu gacanta ku hayo Maamulka.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Shir Jaar’id oo ay si wada jir ah u qabteen  Maamulka ayay ku mamnuuceen dadka wadashaqaynta la leh kooxda Nabadiidka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka oo mararka qaar shirar u aada Degaanada Al-Shabab aysan dib ugu soo laaban karin magaalada, waxaana ay u jeediyeen digniin ah in dadku aysan shirar u aadi karin goobaha argagixisadu joogto.

Cumar Ibraahim Aadan Madaxa Maaliyadda ee Maamulka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen labo shabakadood oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka dilalka iyo qaraxyada, isagoo xusay iny 5 ruux oo ka tirsan shabakadaas gacanta lagu hayo.

Wasiiru dowlaha amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa hoosta ka xariiqay in Odoyaasha Nabadoona ee goobaha Shababku joogaan ee shirarka ugu aada in maanta kadib aysan dib ugu soo laaba karin  magaalada Baardheere, waxaaa uu odoyaasha uga digay inay shirar u aadaan goobaha Shabaabku joogaan.

“Waxaan ku guuleysanayay in aan gacanta ku dhigno labo shabakadood oo kala ah kuwa madax jibiska u qaabilsan iyo kuwa qaraxyada maleega, waxa ay qirteen inay falalka loo heysto ay ka fuliyaan gudaha Baardheere, haatan waxaa la marsiin doonaa waxa uu sharciga ka qabo” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga.

Previous Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Mareykanka oo canshuur dheeraad ah saaraya badeecadaha dalka China

Next Post
Mareykanka oo canshuur dheeraad ah saaraya badeecadaha dalka China

Mareykanka oo canshuur dheeraad ah saaraya badeecadaha dalka China

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In