Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo sheegay inay deegaanno badan ka xoreeyeen Al-Shabaab “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Wareysiyada
0
Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo sheegay inay deegaanno badan ka xoreeyeen Al-Shabaab “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xoreeyey deegaano ay kamid yihiin Gandershe iyo Jilib oo hoos taga magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shaeelaha Hoose, kadib howlgallo ay halkaasi ka fuliyeen.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge oo horkacayey Ciidanka ayaa sheegay in ciidamada xoogga maalmahan ay wadeen howlgallo lagu sifeynayo inta u dhaxeysa Jaziira ilaa iyo Magaalada Marko, isla markaana ay u suurta gashay in dagaal ay kula wareegaan deegaanada kala ah Ceel Ow Maki, Dhannaane, Gendarshe iyo Jilib Marka, halkaasi oo ay ku dhuumanayeen Kooxda Alshabaab.

Abaanduullaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka dileen in kabadan 13 Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal isugu jira, ayna ka qabsadeen gaadiidka dagaal iyo hub fara badan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge ayaa xusay in Kooxda Alshabaab aysan laheyn awood ay isaga difaacaan Ciidanka Xoogga dalka, isaggoo xusay in meelaha hadda ay ku dhuumanayaan Argagixisada ay ka sifeyn doonaan Kooxdaasi baxsadka ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay wadeen howlgallo ballaaran oo Nabad diidka Kooxda Alshabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga dhuumanayaa guud ahaa dalka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/09/Waresi-Abaanduulaha-Odawaa-Yuusuf-Rage-.mp3
Previous Post

Wasiir Maareeye “Waxaan helnay Suuqyo cusub, inagoo hormarinay tayada Badeecadaha la dhoofiyo”

Next Post

Kulanka Baarlamaanka oo maalintii 2aad looga hadlayo amniga dalka

Next Post
Kullanka 2-aad ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo Muqdisho ka socda

Kulanka Baarlamaanka oo maalintii 2aad looga hadlayo amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In