Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo sheegay inay deegaanno badan ka xoreeyeen Al-Shabaab “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Wareysiyada
0
Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo sheegay inay deegaanno badan ka xoreeyeen Al-Shabaab “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xoreeyey deegaano ay kamid yihiin Gandershe iyo Jilib oo hoos taga magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shaeelaha Hoose, kadib howlgallo ay halkaasi ka fuliyeen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

June 13, 2026

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge oo horkacayey Ciidanka ayaa sheegay in ciidamada xoogga maalmahan ay wadeen howlgallo lagu sifeynayo inta u dhaxeysa Jaziira ilaa iyo Magaalada Marko, isla markaana ay u suurta gashay in dagaal ay kula wareegaan deegaanada kala ah Ceel Ow Maki, Dhannaane, Gendarshe iyo Jilib Marka, halkaasi oo ay ku dhuumanayeen Kooxda Alshabaab.

Abaanduullaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka dileen in kabadan 13 Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal isugu jira, ayna ka qabsadeen gaadiidka dagaal iyo hub fara badan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge ayaa xusay in Kooxda Alshabaab aysan laheyn awood ay isaga difaacaan Ciidanka Xoogga dalka, isaggoo xusay in meelaha hadda ay ku dhuumanayaan Argagixisada ay ka sifeyn doonaan Kooxdaasi baxsadka ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay wadeen howlgallo ballaaran oo Nabad diidka Kooxda Alshabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga dhuumanayaa guud ahaa dalka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/09/Waresi-Abaanduulaha-Odawaa-Yuusuf-Rage-.mp3
Previous Post

Wasiir Maareeye “Waxaan helnay Suuqyo cusub, inagoo hormarinay tayada Badeecadaha la dhoofiyo”

Next Post

Kulanka Baarlamaanka oo maalintii 2aad looga hadlayo amniga dalka

Next Post
Kullanka 2-aad ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo Muqdisho ka socda

Kulanka Baarlamaanka oo maalintii 2aad looga hadlayo amniga dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi...

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Taliska Tababarrada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa dalka Rwanda tababar ugu soo xiray...

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In