Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo soo dhaweeyey Wiil dhalinyaro ah oo shahaadada PHD ka qaatay Jaamacadda Luzon ee dalka philippines “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 18, 2018
in Wararka
0
Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo soo dhaweeyey Wiil dhalinyaro ah oo shahaadada PHD ka qaatay Jaamacadda Luzon ee dalka philippines “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dr.Mursal Suldan Cabdullaahi oo shahaadada ugu sarreysa ee PHD ka qaatay Jaamacadda Luzon ee dalka philippines ayaa noqday wiilkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo isaggoo 27 jir ah qaatay Shahaadadaasi, waxaana maanta uu soo gaaray magaaladda Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo ay kamid yihiin Wasiirka wasaaradda Duulista hawada, Wasiir dawlaha Xafiiska R/wasaaraha, Wasiir ku-xiggeenka Amniga iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

August 19, 2025

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo qeyb ka ahaa masuuliyiinta soo dhaweysay Dr Mursal, ayaa kula dardaarmay aqoonta uu soo bartay in dalkiisa uu ugu adeego.

Wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Amniga XFS mudane C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay dhalinyaro waxbartay.

Wasiir dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa isna dhankiisa sheegay in Dr Mursal ay ku dayan doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee raba in meel wanaagsan waxbarashada ay ka gaaraan.

Dr Mursal Suldan Cabdullaahi ayaa u mahad celiyey dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee soo dhaweysay, isaggoo xusay in aqoontii uu soo bartay iyo qabradiisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed inuu ugu shaqeyn doono.

Dr Mursal ayaa waxa uu kamid ahaa ardayda kaalmaha hore ka galay, uguna sarreysay natiijada Imtixaanka Jaamacadda, isaggoo qaatay bilada sanadlaha ah ee la siiyo ardayda ugu dadaalka badan ee dhigata Jaamacadda Luzon ee dalka  philippines.

Previous Post

Wafdi ka socda Aqalka sare oo la Kulmay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland

Next Post

Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar

Next Post
Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar

Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

August 19, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle , ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilo ka socda Qaramada Midoobay,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

August 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada...

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 uu 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 uu 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

August 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In