Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa loogu geystay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu xasuuqay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisad Al-Shabaab.
Duqayntaย oo dhacday fiidnimadii xalay ayaa waxaaย bartilmaameedย ku ahaa goobย machad ahย ooย ayย dhagarqabayaasha Al-Shabaab ku marin habaabin jiren carruurta ay xoogga ku askareynayaan .
Xiligaย ay duqayntaย dhacaysayย waxaaย goobta kuย sugnaaย Afhayeenkaย maleeshiyada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscabย iyoย Xasanย Yacquub oo ka mid ah ย ย horjoogeyaasha kooxda.Al-shabaab, kaasi oo dhaawac halis ah ka gaartay duqeynta.
Taliya Ururka 49 aad guutada 10 aadย Qaybta 43 aad ee Ciidanka Xoogga dalka Faarax Maxamed Turbac ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkii xalay lagu dilay in ka badan 30 isugu jirta Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa goobta ay carruurta ku marin habaabinayeen.
Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar geliyay duqeymaha iyo weerarrada lagula beegsanayo argagixisada Al-Shabaab goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Taliyaha