Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay qorshihiisa ugu horeeya

caqiil by caqiil
September 23, 2018
in Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay qorshihiisa ugu horeeya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf AXmed Hagar(Yuusuf Dabageed) oo markale loo magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Hiiraan kadib wareegto uu soo saaray madaxweynaha Hirshabeele ayaa ka hadlay howlaha horyaala.

Yuusuf Axmed Hagar oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in talaabooyinka ugu horeeya oo xoogga ay saarayaan ay qeyb ka tahay amniga iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshooyinka wada dega gobolkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

“Howlaha i horyaala horta way badan yihiin ,waxaan kaashanaynaa dadka, ilaahayna waan talo saaranaynaa, waxaana xooga saari doonaa amniga, dib u heshiisiinta, dhowr jeer ayaan halkani madax ka soo noqday waxaana la socdaa xaaladaha guud ee halkani kajira iyo khilaafyo badan oo haatan jira, waxaana ka shaqeynaynaa dib u heshiisiinta anagoo kaashanaynaa odayaasha dhaqanka”ayuu yiri.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la soo afjaro xisadaha beeleed oo ka dhaca gobolkaasi Hiiraan iyo guud ahaan xaqiijinta amniga gobolka, isagoo ugu baaqay shacabka gobolka in ay kala shaqeeyaan maamulkiisa sidii loogu guuleysan lahaa howlaha loo igmaday.

“Anigoo ka faaidaysanaya fursadaan waxaan shacabka ugu baaqayaa wadashaqeyn, in dowladda Soomaaliya ay taageeraan, in dowladda loo tanaasulo, dowlad la’aan waan soo aragnay, marka waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Hiiraan in ay ila shaqeeyaan dowladdana lala shaqeeyo, ana waxaan ka shaqeyn doonaa horumarkooda”. Ayuu yiri guddoomiye  Yuusuf.

 

Previous Post

Dhageyso howlgalo ka dhan ah Alshabaab oo ka dhacaya gobolka Hiiraan

Next Post

Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buur-hakaba

Next Post
Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buur-hakaba

Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buur-hakaba

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In