Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Dr Cabdiweli ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, waxaana uu halkaasi kulan isbarasho la qaatay golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo kalfadhi aan caadi ahayn u furmay maanta.
Madaxweynaha Puntland oo la dardaarmay golaha cusub ee deegaanka Degmada Boosaaso ayaa ku booriyey inay dardar geliyaan kor uqaadida bilicda magaalada iyo sidii loo horumarin lahaa magaalada.
“Waan ka mahad naqayaa martiqaadkan inaan idiin imaado golaha deeganka ee cusub ee magaalada Boosaaso, waana ku mahadsan yahay meeyarku inuu igu martiqaado inaan idinla dardaarmo maadaama aad cusub tihiin, inkastoo aan rajeynayo inaad qaar kiin tihiin kuwii hore, waxaa lagu jiraa wakhti xaasaasiya oo la idinkaga fadhiyo waxqabad badan, magaaladan waa caasumadda ganacsiga Puntland, Puntland waa Boosaaso, Boosaaso hadaysan jirina Puntland ma jirteen, Boosaaso hadaysan amni noqona Puntland amni noqonmayso, waxaa loo baahan yahay in maskaxdiina ku duxdo in masuuliyad idinka saaran tahay Boosaaso” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeerkiisa ku tegay xarunta Gobolka Barri ee magaalada Boosaaso isla markaana kormeeray xafiisyada xarunta gobolka Barri oo ay kasocoto shaqada maalin laha ah ee Gobolku, iyadoo uu kulan laqaatay maamulka Gobolka Barri.
Ugu danbey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo dhisme ku socdo, waxaana warbixin kasiiyay qaabka dhismaha saldhiga uu u socodo Duqa Degmada Boosaaso iyo taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso, isla marahaantaana sheegay in saldhigan uu yahay saldhig loo dhisay qaab casriya uuna noqonayo kan ugu fiican Puntland, loona baahan yahay in la dardar geliyo shaqadiisa.
-DHAMMAAD-