Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigii Aqalka sare u diray Galmudug oo maanta wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka sare “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay xogtii ay Maamul Gobolleedyada ka soo uruuriyeen kala wareegayeen Guddiyadii Golaha Aqalka Sare ka socday ee dhowaan tegay magaalooyinka Garowe,Baydhabo,Kismaayo iyo magaalada Dhuusa-Mareeb.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xubnihii Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee tegay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay wareejiyay xogtii ay soo uruuriyeen, waxayna maanta Guddoonka Aqalka sare xogtii kala wareegeen Xubnihii Golaha Aqalka sare ee loo diray Galmudug,kuwaasi oo uu Guddoomiye u ahaa  Senatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), wuxuuna warbixn siiyay Guddoonka Golaha Aqalka sare kuna wareejiyay nuqulka xogta la soo uruuriyay.

Senator, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo warbixnta ka hadlayay ayaa sheegay in ay Guddi ahaan ay soo qabteen howshii Aqalka Sare ay uga direen Galmudug.

“Annaga waxaan ahayn Guddigii loo diray Galmudug,waxaana halkaasi ku maqneyn shan maalmood,dhammaana waa aragnay qeybaha Bulshada Xukuumadda,Baarlamaan iyo qeybahahaasi kala duwan waa aragnay,waxaan ka soo uruurinay waxaan rabnaa inaan idin ku wareejino si aad dabcan idinkuna shaqadiina uga qabsataan,labo nuqul baan idin  ku wareejinayaa guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka si aad u aragtaan oo uga mid noqoto shaqada hogaankiinu uu qabanayo,” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa Dowlad Goboleedyada Puntland ,Galmudug ,koofur galbeed,iyo Jubbaland ku sugnaa xubno ka socday Golaha Aqalka sare BFS,kuwaasi oo u baxay si ay usoo uruuriyan xog dhammeystiran oo la xiriirta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada iyo sida xalka uu noqon karo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In