Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigii Aqalka sare u diray Galmudug oo maanta wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka sare “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay xogtii ay Maamul Gobolleedyada ka soo uruuriyeen kala wareegayeen Guddiyadii Golaha Aqalka Sare ka socday ee dhowaan tegay magaalooyinka Garowe,Baydhabo,Kismaayo iyo magaalada Dhuusa-Mareeb.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026

Xubnihii Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee tegay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay wareejiyay xogtii ay soo uruuriyeen, waxayna maanta Guddoonka Aqalka sare xogtii kala wareegeen Xubnihii Golaha Aqalka sare ee loo diray Galmudug,kuwaasi oo uu Guddoomiye u ahaa  Senatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), wuxuuna warbixn siiyay Guddoonka Golaha Aqalka sare kuna wareejiyay nuqulka xogta la soo uruuriyay.

Senator, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo warbixnta ka hadlayay ayaa sheegay in ay Guddi ahaan ay soo qabteen howshii Aqalka Sare ay uga direen Galmudug.

“Annaga waxaan ahayn Guddigii loo diray Galmudug,waxaana halkaasi ku maqneyn shan maalmood,dhammaana waa aragnay qeybaha Bulshada Xukuumadda,Baarlamaan iyo qeybahahaasi kala duwan waa aragnay,waxaan ka soo uruurinay waxaan rabnaa inaan idin ku wareejino si aad dabcan idinkuna shaqadiina uga qabsataan,labo nuqul baan idin  ku wareejinayaa guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka si aad u aragtaan oo uga mid noqoto shaqada hogaankiinu uu qabanayo,” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa Dowlad Goboleedyada Puntland ,Galmudug ,koofur galbeed,iyo Jubbaland ku sugnaa xubno ka socday Golaha Aqalka sare BFS,kuwaasi oo u baxay si ay usoo uruuriyan xog dhammeystiran oo la xiriirta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada iyo sida xalka uu noqon karo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda...

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee...

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LIBYA):-Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Haaruun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In