Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay bangiga adduunka, guddiga sare ee Bangiga (WBG) oo taageeray qorshaha bahwadaagga Soomaaliyeed (CPF) ee afartii sano ee ugu horeysay, ayaa ansixiyay laba mashruuc oo maalgelineed oo ay ku kacasyo $80 million.
Ansixinta maaliyadda Mashaariicda oo dawladda toos loogu dhiibayo
Guddiga sare ee Bangiga adduunka ayaa ansixiyay $60 milyan oo Maalgelin dheeraad ah oo loogu tala galay qarashaadka joogtada ah iyo mashruuca dib u habaynta maaliyadda iyo $20 milyan oo kor loogu qaadayo dakhliga gudaha iyo mashuurca awood siinta maamulka maaliyadeed ee dawladda.
Dhaqaalaha labadaan mashruuc oo ay bixinayso hay’adda bangiga adduunka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ayaa si toos ah lasoo marsiinayaa dawladda Federaalka Soomaaliya maadaama ay horumar ka gaartay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah.
Waa markii ugu horeysay oo dawlad Soomaaliyeed lacag lagu aamino laga soo billaabo 1991-kii.
Mashruucyadaani waxa ay ka taageerayaan dawladda firfircoonaynta iyo dib u qaybinta khayraada loo baahanyahay in dalka dib loogu dhiso kadib ku dhawaad sodon sano oo burubur iyo kala dambayn la’aan ay jirteen.
Muxuu yahay CPF?
CPF waxa uu qeexayaa makaabiyadda (strategy) bangiga adduunku uu ku taageerayo ballaarinta hadafyada dawladda ee daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha awoodda u adkaysiga dhibaatooyinka cimillada iyo in la dhiirri geliyo fursadaha dhaqaaale ee dalka ka jira.
CPF oo ah makaabiyaddii horumarineed ee ugu horeysay ee dalka Soomaaliya laga sameeyo laga soo billaabo horraantii 1990-kii waxa uu muujinayaa horumarka laga gaaray dib u habaynta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dawladeed laga soo billaabo 2013-kii xilligaas oo Bangiga adduunku uu bilaabay in uu ku lug-yeesho sanduuqa bahwadaagta deeq-bixiyaasha badan (MPF).
Ujeedada sanduuqa bahwadaagta deeq-bixiyaasha badan (MPF).
Labada qaybood ee diirradda lagu saaray CPF-ka ee kala ah hay’adaha dawladda iyo daadejinta adeedyada dadwaynaha, dhaqaale loo dhanyahay iyo kobac dhaqaale oo xasiloon ayaa ujeedada laga leeyahay waxa ay tahay in horumarrada siyaasadeed iyo hay’adeed ee la gaaray loo tarjumo horumarro la taaban karo oo khuseeya nolosha dadka.
Qoondada Haweenka
CPF waxa ay xaqiijinaysaa in fulinta mashaariicda ay qayb ka yihiin dumarka caddaaladna lagu fuliyo, lagana fogaado daciifnimo iyo in la dhiso adkaysi (resilience) u dhexaysa qaybaha dhan.
“Dawrkeenna Soomaaliya waa in aan dhisnaa hay’adaha halbowlaha u ah ee soo celin kara aaminaaddii muwaadiniinta iyo dib u qaybinta khayraadka si loo yareeyo faqriga xad-dhaafka ah, fursadana loogu abuuro kuwa u baahan caawimaadda,waxa aan diiradda saaraynaa taageerada balaarinta hay’adaha dawladeed si adeegyada loo gaarsiiyo mawaadiinta loona abuuro fursado dhaqaale” ayey tiri Bella Bird, u qaabishana Bankiga adduunka ee dalalka Tanzania, Burundi, Malawi iyo Soomaaliya.
Dawladaha Hoose iyo aruutinta dakhliga
CPF waxa uu caawinayaa sare u qaadidda aruurinta dakhliga, dhismaha awoodda dawladaha hoose, magaalaynta iyo hagaajinta daadejinta adeegyada dadwaynaha iyada oo qorshuhu yahay in la hagaajiyo jawi ku habboon ganacsiga, in sare loo qaado awoodda dadku u leeyihiin helidda dhaqaalaha, in dadka miyiga ku nool ay helaan koronto iyo biyo iyo sare loo qaado adkaysiga iyo wax soo saarka.
Maxaa is bedelay kadib dib u billaabida taageerada bankiga aduunka ee Soomaaliya?
Tan iyo markii guddiga sare ee Bangiga adduunka (WBG) ay bilaabeen dib ula fal gelidda Soommaaliya, DFS waxa ay si sharci ah horumar uga samaysay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo hagaajinta dhaqaalaha, sare u qaadidda soo xaraynta dakhliga iyo la fal gelidda hay’adaha aan dawliga ahayn. Dib-u-habaynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee lagu guuleystay shantii sano ee ugu dambaysay ayaa a abuuray fursado wanaagsan.
Xassiloonida Soomaaliya maxay ka dhigantahay?
“Soomaaliya waxa ay tusaale uga tahay adduunyada sida bangiga adduunku uu uga shaqeyn karo deegaannada dhibaatooyinka badan ay ka jirto baahida loo qabo caawimaadda Bangiga adduunka, Xassiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya waxa ay fura u yihiin xassiloonida gobalka guud ahaan, Waxa aan dawladda ugu hambalyayneynaa ka go’naanshaha dib u habaynta iyo tilaabooyinka ay u qaadeen dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee dalka” ayuu yiri Hafez Ghanem oo ah madaxwayne ku xigeenka bankiga adduunka qaybta Afrika.
Maxaa kale oo laga faa’iidayaa Hay’adda caalamiga ah ee bangiga adduunka u qaabishan horumarinta (IDA)?
Taageero ka dambaysa cafinta daymaha dalka lagu leeyahay ayey IDA ku caawisaa waddamada ay dib ula shaqo bilaawdo waqti dheer aysan wada shaqayn laheyn kadib Taageeradaas waxaa lagu horumariyaa dardargelinta dib u habaynta muhiimka u ah cafinta daymaha, maal gelinta xasilooni ballaaran iyo adeeg dadwayne.