Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso:- Nuxurka Khudbadda Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ee Qaramada Midoobay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyey Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Cawad Ciise oo  Khudbad ka jeediyay shirka Golaha guud ee QM ayaa diiradda ku saarray horumarada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha oo Dowladda Federaalka ay ka guul keentay, isagoo ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaado.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya farxad ayay ii tahay in aan khudbad ka jeediyo Golaha hortooda,maamulkeena haatan waxaa u buuxsantay sanad iyo bar waxaana ku faraxsanahay in dowladdu ay wax badan u qabsoomeen dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha,siyaasadda iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu xoogga saarayo dhismaha iyo xoojinta cududa ciidan ee dalka uu leeyahay,silooga guuleystoo qatarta Alshabaab,wuxuuna ka hadlay aragtida laga qabo fikirka xagjirnimada ah ee Alshabaab.

“Dhalinyarada haatan kuma biirayaan alshabaab,maxaayeelay fikirka qaldan wax sii soconaayo ma ahan,dowladda Soomaaliya waxaa ay qaadaysay talaabooyinka wacyigelin ah oo bulshada dhexdeeda ah,sida culimaa’udiinka,haweenka,dhalinyarada waxgaradka,si meel looga soo wada jeesto fikirka qaldan ee xagjirnimada ku dhisan oo ay aaminsanyihiin Alshabaab”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Mudane Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadadda ee Soomaaliya oo khudbadiisa sii wata ayaa golaha loo dhanyahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa u sheegay in ay jiraan xubno badan oo ka tirsan  Alshabaab oo ay ku jiraan madax sar sare,kuwaasi oo ka faa’idaystay cafiskii ay dowladda Soomaaliya u fidisay,wuxuuna xusay in ay si nabad ah ay isku soo dhiibeen.

Mar uu ka hadlayay arrimaha la xiriira baahiyaha loo qabo in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ah ayuu sheegay wasiir cawada in taasi ay ka caawinayso dowladda Soomaaliya in ay ka guuleysato cawdowga,awoodda dowladduna ay sare marayso si loo xoojiyo gulufka ka dhanka ah ALshabaab.

Golaha loo dhanyahay ee QM ayuu ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ah ee saran dalka,si looga gudbo dhibaatooyinka amniga ah loona kordhiyo cududa ciidan ee dalka uu leeyahay,taasi oo sahlikarta buu yiri in Alshabaabka Soomaaliya looga adkaankaro.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Dalka Equator oo sanadkan haaya hoggaanka golaha loo dhanyahay ee QM.

Wuxuu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay dhulgariirkii xooganaa ee ku dhuftay Jasiirada kutaala dalka Indonesia.

“Anigoo ku hadlayay maga dowladad Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed,waxaan ka tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay musiibadii ka dhalatay dhulgariirkii ku dhuftay Dalka Indonesia,

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyey Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Next Post

In ka badan 800-ruux oo ku Dhimatay Dhulgariirkii Indonesia

Next Post
In ka badan 800-ruux oo ku Dhimatay Dhulgariirkii Indonesia

In ka badan 800-ruux oo ku Dhimatay Dhulgariirkii Indonesia

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In