Monday, August 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo go’aano adag ka soo saartay Murankii ka jiray Baraawe.

admin by admin
October 2, 2018
in Wararka, Xulashada
0
Maxkamadda Ciidamada oo go’aano adag ka soo saartay Murankii  ka jiray Baraawe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baraawe- Iyadoo ka duuleyso cabashada ka timid bulshada, Odayaasha, maamulka dhawaan uu magacaabay koonfur galbeed ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay magaalada Muqdishoa ka dirtay Saraakiil Sare  uu hugaaminayo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side, Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamadada Qalabka Side Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kamey iyo Saraakiil kale oo ka socday qeybaha dambi barista.

Daqiiqada uun kadib ayagoo gudanaya howshooda ayay bilaaween xooraansiga xog-ogaalnimo ee bulshada, waxa ay qaabileen odayaasha  dhaqanka, maamulkii hore ee qaarkood diidanaa xilwareejinta kan dhawaan la soo magacaabay, taliyaha Boliiska degmada, saraakiisha  ciidamada xoogga dalka sida taliyaha Ururka,  abaanduulahiisa iyo u qaabilsanaha AMISOM Baraawe iyo goobaha u dhow.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

August 4, 2025
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

August 4, 2025

Go’aanada masiiriga ah ee  laba maalin kedib ayaa noqday in meel  fagaara ah lagu gaaro go’aanno, waxaana sifa sharci lagu kala wareejiyay xilalkii muranka  ka jiray iyadoo sidoo kale  saraakiisha dowladdu dirtay kala xadiday xilal dhawaan ay u magacaabeen maamulka Koonfurgalbeed masuuliyiinta horay u maamuli jiray degmada.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buula kamey ayaa u sheegay dhammaan masuuliyiintii hore iyo  saraakiisha ciiidamada in lagu maxkamadeyn doono wixii hadda kadib ka hor yimaado  xalka ay dowladda dhexe ka gaartay muranka maamul ee ka jiray Baraawa.

Sidoo kale waxa uu weydiistay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida in si kumeel gaar ah looga joojiyo shaqada Taliyaha Boliiska degmada kaasi uu mad madow badan soo galay shaqadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fariin culus u diray dadka ku howlan abuurista dhiilada colaadeed ee ka jirtay Baraawe kuwaasi oo iyaga ku nool dibadaha, waxa uu ugu baaqay in Baraawe ay ka caawiyeen hadii ay dhab ka tahay la dagaalanka argagixisada, dhismaha xarumaha caafimaad iyo waxbarashada degmada oo gaabis badan ka jiro iyo horumarada kale ee degmada, waxa uu ku adkeeyay odayaasha dhaqanka, maamulka iyo saraakiisha ciidamada in ay u midoobaadan danaha degmada oo aysan warkooda maqal kuwa ku nool magaalada ka banaankeeda.

Sidoo kale waxa ay Maxkamadda go’aamisay  shaqa ka joojinta taliyihii saldhiga degmada Baraawe, baarista eedeysanayaal u xiran falal argagixisanimo iyo xilwareejin kama dambeys ah oo dhaqan gashay maalintan.

Masuuliyiinta dowladda dirtay oo ay wehliyaan kuwa degmada iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa soo dhaweeyay cutubkii ugu horreeyay ee Boliis ah oo ay degmadu yeelato  kuwaasi oo ka degay Baraawe, iyagoo sidoo kale kormeeray xarunta taliska Boliska Baraawe, waxa ay sidoo kale socod dheer ku soo mareen fadhiyada ciidamada  ay ku leeyihiin daafaha magaala Xeebeedka Baraawe.

Ugu dambeyn wafdiga dowladda ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho iyagoo sidoo kale ka hor inta aysan soo duulin  cagta soo mariyay garoonka loo dhisayo magaala Xeebeedka Baraawe oo ah Caasimadda dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo la Kulmay Madaxda Jaamacadda Ondokuz

Next Post

Dhegeyso: Barnaamij gaar’ah oo ku Saabsan hufnaanta Maaliyada dalka

Next Post
Dhegeyso: Barnaamij gaar’ah oo ku Saabsan hufnaanta Maaliyada dalka

Dhegeyso: Barnaamij gaar'ah oo ku Saabsan hufnaanta Maaliyada dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

August 4, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga...

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

August 4, 2025
0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo loo heysto dambiyo...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo...

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In