Tuesday, May 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo go’aano adag ka soo saartay Murankii ka jiray Baraawe.

admin by admin
8 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Maxkamadda Ciidamada oo go’aano adag ka soo saartay Murankii  ka jiray Baraawe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baraawe- Iyadoo ka duuleyso cabashada ka timid bulshada, Odayaasha, maamulka dhawaan uu magacaabay koonfur galbeed ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay magaalada Muqdishoa ka dirtay Saraakiil Sare  uu hugaaminayo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side, Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamadada Qalabka Side Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kamey iyo Saraakiil kale oo ka socday qeybaha dambi barista.

Daqiiqada uun kadib ayagoo gudanaya howshooda ayay bilaaween xooraansiga xog-ogaalnimo ee bulshada, waxa ay qaabileen odayaasha  dhaqanka, maamulkii hore ee qaarkood diidanaa xilwareejinta kan dhawaan la soo magacaabay, taliyaha Boliiska degmada, saraakiisha  ciidamada xoogga dalka sida taliyaha Ururka,  abaanduulahiisa iyo u qaabilsanaha AMISOM Baraawe iyo goobaha u dhow.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

Go’aanada masiiriga ah ee  laba maalin kedib ayaa noqday in meel  fagaara ah lagu gaaro go’aanno, waxaana sifa sharci lagu kala wareejiyay xilalkii muranka  ka jiray iyadoo sidoo kale  saraakiisha dowladdu dirtay kala xadiday xilal dhawaan ay u magacaabeen maamulka Koonfurgalbeed masuuliyiinta horay u maamuli jiray degmada.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buula kamey ayaa u sheegay dhammaan masuuliyiintii hore iyo  saraakiisha ciiidamada in lagu maxkamadeyn doono wixii hadda kadib ka hor yimaado  xalka ay dowladda dhexe ka gaartay muranka maamul ee ka jiray Baraawa.

Sidoo kale waxa uu weydiistay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida in si kumeel gaar ah looga joojiyo shaqada Taliyaha Boliiska degmada kaasi uu mad madow badan soo galay shaqadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fariin culus u diray dadka ku howlan abuurista dhiilada colaadeed ee ka jirtay Baraawe kuwaasi oo iyaga ku nool dibadaha, waxa uu ugu baaqay in Baraawe ay ka caawiyeen hadii ay dhab ka tahay la dagaalanka argagixisada, dhismaha xarumaha caafimaad iyo waxbarashada degmada oo gaabis badan ka jiro iyo horumarada kale ee degmada, waxa uu ku adkeeyay odayaasha dhaqanka, maamulka iyo saraakiisha ciidamada in ay u midoobaadan danaha degmada oo aysan warkooda maqal kuwa ku nool magaalada ka banaankeeda.

Sidoo kale waxa ay Maxkamadda go’aamisay  shaqa ka joojinta taliyihii saldhiga degmada Baraawe, baarista eedeysanayaal u xiran falal argagixisanimo iyo xilwareejin kama dambeys ah oo dhaqan gashay maalintan.

Masuuliyiinta dowladda dirtay oo ay wehliyaan kuwa degmada iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa soo dhaweeyay cutubkii ugu horreeyay ee Boliis ah oo ay degmadu yeelato  kuwaasi oo ka degay Baraawe, iyagoo sidoo kale kormeeray xarunta taliska Boliska Baraawe, waxa ay sidoo kale socod dheer ku soo mareen fadhiyada ciidamada  ay ku leeyihiin daafaha magaala Xeebeedka Baraawe.

Ugu dambeyn wafdiga dowladda ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho iyagoo sidoo kale ka hor inta aysan soo duulin  cagta soo mariyay garoonka loo dhisayo magaala Xeebeedka Baraawe oo ah Caasimadda dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo la Kulmay Madaxda Jaamacadda Ondokuz

Next Post

Dhegeyso: Barnaamij gaar’ah oo ku Saabsan hufnaanta Maaliyada dalka

Next Post
Dhegeyso: Barnaamij gaar’ah oo ku Saabsan hufnaanta Maaliyada dalka

Dhegeyso: Barnaamij gaar'ah oo ku Saabsan hufnaanta Maaliyada dalka

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In