Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Argagixisada Al-Shabaab oo Shacabka ku cadaadinaya iney bixiyaan Lacago aysan awoodin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Argagixisada Al-Shabaab oo Shacabka ku cadaadinaya iney bixiyaan Lacago aysan awoodin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dadka deegaanada ay gacanta ku hayaan ku qasbay iney bixiyaan midkood lacag ama xoolaha nool ee ay dhaqdaan sida Lo’da,ariga iyo Geella inta lagu guda jiro bisha Muharam oo ah bisha koowaad ee sanadkan cusub ee Islaamka,taasi oo ay ugu yeereen Zakawaad Balse ah mid baad ah.

Ku dhowaad 700-Qof oo isugu jira rag iyo dumar , kuwaasi oo u muuqday inay ka caga jiideen u hogaansamida amarka Argagixisada ee bixinta lacagaha iyo Xoolaha nool, ayaa lagu xiray degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe,labadii todobadii ee ugu horeeyay Bisha,Muharam.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

“Qiyaastii 700 oo qof, raga iyo dumar oo ay ku jiraan qoyskayga iyo qaraabbadeyda ayaa lagu xiray magaalada Jilib, oo qiyaastii 380 Km dhinaca koonfureed kaga beegan Muqdisho horaantii bishan, ka dib markii ay su’aal ka keeneen qadarka lacagta ay ku soo rogeen Al-Shabaab. Waxaan maqlay in dadkani intooda badan la sii daayay, inkastoo ay aqbaleen dalabka “, ayuu sheegay nin la hadlay SONNA oo xaalad amni magaciisa loo sheegin.

Qof ka mid ah deegaanka oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta wuxuu u sheegay Wakaaladda Wararka Soomaliyeed ee SONNA in uu xabsiga magaalada Jilib uu ku jiray saddexdii cisho ee ugu dambeeysay, isaga oo sheegay in dad kale ay dammaanad qaadeen sii deyntiisa.

“Xag-jiriinta al-Shabaab waxa ay igu amreen inaan bixiyo 200 oo doollar Maraykanka ah waxaana u sheegay inaan awoodi karin lacagtaasi, sababtoo ah waxaan ahay beeraleey dagaal ugu jira sidii uu ku soo saaran lahaa rootigiisa maalinlaha,kadibna waxay i dhigeen xabsi saddex cisho aan ku xirnaa,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Argagixisada Al-Shabaab ay u sheegaan dadka deegaanka  in ay doonayaan in ay lacagtan baadda ah Dugsiyo kaga dhisaan halkaasi

SONNA  oo wareysi la yeelatay qof saddexaad, oo ka soo jeeda magaalada Saakow ee ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay weydiisteen inuu bixiyo 100 doolar oo ay ugu sheegeen in lagu dhisayo Dugsi.

“Al-Shabaab waxay dadka ka qaadayaan inta u dhaxaysa 100 illaa 400 oo doollar oo qof kasta ah, waxay qaataan baad iyo dalabyo kale oo degdeg ah oo laga qaadayo Qoys kasta iyo shaqsi intaba, ha ahaado ganacsade, beeraley ama shaqo la’aan intaba, waana waajib” ayuu yiri.

Dadka deegaanka ayaa intaasi ku daray in Maleeshiyada Al-Shabaab ay Dugsiyada gobollo kala duwan ka afduubtaan ardayda hibada sare ama wax soo saarka Eebe u siiyay si ay u baraan ama uga dhaadhiciyaan aragtidooda ku saleysan Argagixisinimada.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa dadka ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si xoog ah kaga uruursada  Xoolaha nool ee ay dhaqdaan sida Lo’da,Geela iyo ariga,waliba waxay si gaar ah u bartilmaameedsadaan xoolaha buur buuran ama Suuq-geynta ku haboon.

Laakiin tallaabadan ayaa ka careysiisay dadka Xoolaha dhaqatada ah ee ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,kuwaasi oo isku abaabulay si isaga dul qaadaan gumeysiga iyo dhagarta maleeshiyada Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

R/wasaare Kheyre oo Maamulka Bangiga Dhexe Iyo Wasiirka Maaliyadda Kala Hadlay Dardar-gelinta Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Hannaanka Maaliyadda+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka+Sawirro

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In