Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyre oo Maamulka Bangiga Dhexe Iyo Wasiirka Maaliyadda Kala Hadlay Dardar-gelinta Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Hannaanka Maaliyadda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Kheyre oo Maamulka Bangiga Dhexe Iyo Wasiirka Maaliyadda Kala Hadlay Dardar-gelinta Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Hannaanka Maaliyadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya la yeeshay kulan looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga warbixiyay tilaabooyinkii ugu dambeeyay ee loo qaaday horumarinta hannaanka maaliyadda, caqabadaha jira iyo hannaanka lagu xallin karo.

Raiisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda.

“Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda bangiyada kula dardaarmay in si wadajir ah ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hir-gelinta sharciyada, waxa uuna xasuusiyay in horumarinta shaqooyinka bangiga dhexe ay sidoo kale awoodaynayso bangiyada gaarka loo leeyahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray wasaaradaha dekadaha iyo duulista hawada oo uu kala hadlay fulinta qorshayaasha hor-tebinta leh si loogu guulaysto dhammaystirka ajanyaasha qaran ee fududaynaya soo kabashada dalka.

Previous Post

Safiirka cusub ee Germany ee Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS”Sawirro”

Next Post

Argagixisada Al-Shabaab oo Shacabka ku cadaadinaya iney bixiyaan Lacago aysan awoodin

Next Post
Argagixisada Al-Shabaab oo Shacabka ku cadaadinaya iney bixiyaan Lacago aysan awoodin

Argagixisada Al-Shabaab oo Shacabka ku cadaadinaya iney bixiyaan Lacago aysan awoodin

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In