Sunday, May 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka cusub ee Germany ee Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Safiirka cusub ee Germany ee Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Annett Günther, Safiiradda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Cawad ayaa soo dhoweeyay Marwo Annett Günther, Safiiradda loo soo magacaabay dhowaan Soomaaliya, waxa uu u rajeeyay guul inay ka soo hoydo howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku garab siin doonto shaqadeeda danjiranimo ee Soomaaliya.

Safiiradda cusub ee Germany ayaa carabaabtay sida dowladdeedu ugu diyaar tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya si loo gaarsiiyo heerkiisa ugu sarreeya oo dhinac waliba leh.

Intii kulanku socday ayaa waxaa looga wada hadlay qaabka sare loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah oo dhinac kastaba leh, sidoo kale waxaa la isla faaqiday arrimaha ka taaggan xilligan gobolka iyo dunida.

Previous Post

Safiirkii Suudaan u fadhiyey Soomaaliya oo Munaasabad sagootin ah loo sameeyey

Next Post

R/wasaare Kheyre oo Maamulka Bangiga Dhexe Iyo Wasiirka Maaliyadda Kala Hadlay Dardar-gelinta Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Hannaanka Maaliyadda+Sawirro

Next Post
R/wasaare Kheyre oo Maamulka Bangiga Dhexe Iyo Wasiirka Maaliyadda Kala Hadlay Dardar-gelinta Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Hannaanka Maaliyadda+Sawirro

R/wasaare Kheyre oo Maamulka Bangiga Dhexe Iyo Wasiirka Maaliyadda Kala Hadlay Dardar-gelinta Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Hannaanka Maaliyadda+Sawirro

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta Isgaarsiinta, sida ku cad Tirakoobka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa caawa kulan miradhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In