Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 12, 2018
in Wararka
0
Xuska maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanad kasta Soomaaliya waxaa laga xusaa maanta oo kale 12-ka October maalinti la hindisay calanka buluuga ah ee Soomaaliya oo ku beegan 1954-tii, ayaa waxaa munasabad lagu xusayay 64 guuradii ka soo wareegtay markii la sameeyay Calanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya  ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala tirsan  labada Gole ee Dowladda, Ururada dhallinyarada iyo qeybaha bulshada.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Khudbado kala duwan oo lagaso jeediyey dabaal dagga ayaa waxaa intooda badan looga hadlayey sidii loo  weyneyn lahaa Calanka Soomaaliya, bulshaduna u dhowri laheyd sharafta uu ku fadhiyo.

Cismaan Cali Nuur Xaashi oo ah waayo arag sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya waxbadan ka yaqaana oo lagu casuumay xuska ayaa ka sheekeyay cod bixintii lagu xushey calanka buluuga ah .

Wasiirku xigeenka Wasaraadda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cabdirashiid Maxamuud iyo xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si isku mida uga faaloodey ahmiyada calankeena buluuga ku fadhiyo.

Wasiirka Wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay muhiimad gaar ah maalinta xuskan loo asteeyey ay u leedahey guud ahaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, waxeyna hanbalyada maalintan Qaran salaam ay uga wakiil aheyd Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada hawada u marisay bulshada Soomaaliyeed.

Calanka buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh ayaa waxaa Hindisay sanadki 1954 maanta oo kale Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, waxaana markaa laga wada taagey guud ahaan dhulka ay dagaan shanta Soomaaliya ee xidigta calanka dhexda kaga taal u taagantahey.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Calanka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Calanka

Madaxweyne Farmaajo oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Calanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In