Sunday, December 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo la kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo la kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Golaha Aqalka sare iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha ayaa si wada jir ah maanta xarunta Golaha Aqalka sare ugu qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta Midowga Yurub Mr Stefano Manservisi.

Kullanka oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa looga hadlay sidii shuruucda iyo horumarinta looga taageeri lahaa Golaha Aqalka sare.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta Midowga Yurub Mr. Stefano Manservisi ayaa ammaanay horumarka dalka ka socda gaar ahaan dadaalada xubnaha Aqalka sare ee ku aadan dastuurka dalka,Federaaleynta iyo adkeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada.

“ Waan ku faraxsanahay dadaalada ay wadaan Aqalka sare,waxaan saaxiib dhow la nahay Soomaaliya,madaxdeeda guud ahaan iyo Dowladda dhexe,waxaana gacan ka siineynaa guud ahaan dadaalada ay wadaan,” ayuu yiri Agaasime Mr. Stefano Manservisi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Midowga Yurub uga mahad celiyay dowrka ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

“ Waxay nagala hadleen xaaladda hadda jirta,waxayna keeneen dalka lacag kaalmo ah oo gaareysa boqol Milyan,waxaana kale oo ay nagala hadleen dib u heshiisiinta aynu wadno,taanna waxaa weeye warbixin yar beyni ka siinay iney noo socoto,arrimahaasi ayaan ka wada hadalnay,” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa dardar gelinaya howlaha muhiimka ah ee horyaala ka hor intaan la gaarin munaasabada furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha oo kulamo wadatashi iyo dhiirigelin ah la qaatay bulshada Marka iyo Guutada 14ka Oktoobar ee CXDS + Sawirro

Next Post

Wasiir Cusmaan Libaax oo Qaahira kaga qeyb galay shir looga hadlayo iskaashiga Tamarta iyo Biyaha

Next Post
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo la dhaariyey

Wasiir Cusmaan Libaax oo Qaahira kaga qeyb galay shir looga hadlayo iskaashiga Tamarta iyo Biyaha

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In